Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka  furmay Nairobi
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka  furmay Nairobi
GudahaWararka

Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka  furmay Nairobi

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 13, 2025
2 Min Read
Share

Nairobi (SONNA): Waxaa magaalada Nairobi si rasmi ah uga furmay shirweynaha IGAD ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, oo socon doona 13 iyo 14 August, 2025.

Shirkan ayaa isu keenay boqolaal hoggaamiyeyaal dhallinyaro, khubarro iyo siyaasiyiin ka kala yimid dalalka xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dhallinyarada ee dhismaha nabadda iyo go’aan-qaadashada gobolka.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay Xoghayaha Guud ee IGAD, Mudane Workneh Gebeyehu, Madaxa IGAD ee Kenya, Dr. Fatuma Adan, Agaasimaha Waaxda Nabadda iyo Amniga IGAD, Com. Abebe iyo Wasiirka Dhallinyarada, Hal-abuurka iyo Isboortiga Kenya, Mudane Salim Mvurya, oo marti sharaf ka ahaa.

Doodaha Maalinta Koowaad

Shirku wuxuu ku furmay khudbad dhiirrigelin ah oo uu jeediyay Wakiilka Dhallinyarada IGAD, Sam Ogwal, kaas oo ku baaqay in dhallinyarada noqdaan hormuudka nabad-dhisidda, hal-abuurka iyo xalalka waara ee gobolka.

Waxaa maalinta koowaad ee shirkan waa qabsoomay saddex gole doodeed (Panel Discussions) oo muhiim ah:

1. Ka qeybgalka dhallinyarada ee hannaanka nabadda rasmiga ah, caqabadaha, fursadaha iyo dariiqooyinka lagu horumarin karo, oo ay ka hadleen wakiillo ka socda Sudan, Kenya iyo South Sudan.

2. Doorashooyinka iyo nabadda, kaalinta dhalinyarada ee ilaalinta dimuqraadiyadda, ka hortagga rabshadaha iyo dhismaha kalsoonida bulshada, iyadoo wakiil ka socda Soomaaliya uu ka qeyb qaatay.

3. Doorka baraha dijitaalka ee dhismaha nabadda, adeegsiga warbaahinta bulshada, sheekooyinka dhallinyarada iyo la-dagaallanka marin-habaabinta si loo xoojiyo nabadda iyo wadajirka bulshada.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay xafiiska Jinsiga ee IGAD oo kaashanaya waaxda Nabadda iyo Amniga iyo waaxda Horumarinta Caafimaadka iyo Bulshada, ayaa lagu wadaa in uu soo saaro talooyin siyaasadeed oo lagu xoojinayo ka qeybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada iyo nabad-dhisidda, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Dhalinyarada IGAD (2021–2030) iyo ajandaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee Qaramada Midoobay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

SoDMA oo martigelisay kulanka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka(SoDMA) ayaa maanta martigelisay kulanka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta iyada oo guddoomiyey…

GudahaWararka
October 30, 2024

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis…

Gudaha
November 7, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada…

GudahaWararka
September 28, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta Calanka

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta…

GudahaWararka
October 12, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023