Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 15, 2023
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxda talada heysa haatan iyo Madaxdii hore, si ay uga soo qeyb galaan shir muhiim ah oo wadatashi ah oo lagu lafaguro arrimo ku aadan xaaladda Dalku ku sugan yahay iyo sii waddi geeddiga habboon.

Shirkaasi oo socday  muddo laba maalmood ah ayaa Muqdisho ka furmay, waxaana ka qeybgalay Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray qaarkood, Ra’iisul wasaareyaashii hore, Afhayeennadii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, iyadoo  inta uu socday shirka ayaa waxaa la iska xog wareystay xaaladda dalka uu maraayo, iyadoo Madaxda talada haatan dalka haysa ay dhegeysatay talada Madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.

Shirkan ayaa waxaa lagu timaamay inuu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya, sidaasi aawadeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr:Xasan Sheekh Maxamuud uu casuumaad rasmi ah u fidiyay siyaasiyiinta iyo Madax dalka  horay xilal kala duwaan uga soo qabtay, si ay uga qeyb qaataan geedi socodka siyaasadeed iyo jaheynta mustaqbalka Doorashooyinka dalka.

shirkaan oo ahaa shirkii ugu horreyay oo nuuciisa oo kale ah oo aan hore loogu qaban Dalka gudahiisa, islamarkaana uusan wax Ajaaniib ah ku dhex jirin oo ay isugu yimaadan dowladda iyo madasha siyaasiyiinta, waxaa sidoo kale shirka ku soo biiraya labada guddoomiye baarlamaan iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo badi shirka diirada lagu saaray arrimaha jaheynta doorashooyinka iyo sidii ay u gorfeyn lahayeen arrimaah la xiriira go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee Maamul goboleedayda,gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho, inta aan la horgeyn labada gole ee Baarlamaanka JFS.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka, isagoo sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Shirka oo soconayay muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed, iyadoo laga soo saaray warmurtiyeedka, markaasi kadib ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ku soo gaba-gaboobay Magaalada Muqdisho, wuxuuna uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay in muhiim ay tahay in la dhageysto tallada iyo aragtida Shacabka iyo mas’uuliyiintii hore iyo kuwa hadda hadda xukunka haya, taas oo horseedeysa in la gaaro go’aan mideysan oo ku saleysan horumarka iyo geeddi socodka nabadda.

” Odayaashaas siyaasiyiin hore oo Dalka soo xukuntay haddii ay tahay heer Dowlad dhexe iyo heer Dowlad gobolleed, kuwo kale oo hami leh in ay hadda dalka xukumaan raba ku jiro, waa isku nimiday labo maalmood oo dood aniga aragtideyda oo aad iyo aad u fiican ayay ahayd, ra’yi fiican, Araah fiican oo qurux badan qaarkood kuwii annaga aan qabnay ka qurux badan yihiin ayay walaalaheen soo jeediyeen, tixgelin ayay leeyihiin, shirkaas iyo shirar kale oo dambe ayaa la isku imaan doonaa,”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha dastuurka, ayaa yiri-” Dastuurka bilo gudahooda inshallahu waa dhammeystireynaa, dadka Soomaaliyeed in ay u codeeyaan six xor ah in loo qaado waa howl kale,tallaabo kale in la qaado waaye,laakiin Buug la leeyahay, Buuggan waa dastuurkii oo dhammeystiran waa inuu naga yimaadaa, waxaan mamnuucnay in Dastuurka bannaanka looga soo tashado, Neefaasho iyo IStanbul lala aado, mamnuuc ma dhaceyso,Soomaali ayaa iska leh dalkan Soomaali gudihiisa ayaa looga taahanaa,”.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweynaha, waxayna ay sheegeen in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Argagixisada Khawaarihta ah ee Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftaasi waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Masuuliyiin maqaam sare ka haya Dowladda waxaana ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Dhinaca kale dad badan oo isugu jiri Masuuliyiin kala duwan iyo falanqeeyayaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka fal celiyay qabsoomiddii shirkii ku soo idlaaday Magaalada Muqdisho, waxayna ka dhiibteen fikrado inta badan ku tilmaamay inuu ahaa mid loo baahan yahay,kuna soo aaday xilli loo baahnaa, mar haddii ay wada tashanayaa Masuuliyiinta haatan talada Dalka heysa iyo siyaasiyiintii hore xilal kala kuwan ka soo qabtay, islamarkaana loo sheegay in loo baahan yahay talooyinkooda, waxay xuseen inay tahay arrin fiican.

“Ugu horreyn waxaan soo dhoweynayaa shirarka wada tashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ee ka qabsoomay Dalka. Waxaan amaanayaa niyad wanaaga Madaxweynuhu ku doonayo in uu Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada dhegaysto oo ka raadiyo talooyin fayow oo la xidhiidha horumarinta Dawlad-dhiska Soomaaliya, isagoo farta ku goday in waxa qudha ee aan hubo in laga faa’iidayo kulankan waa in Golahan sidaas u dhisnaado oo mucaarado qorshayaasha iyo hawlaha Dawladda badankooda ilaa 2026-ka”,sidaasi waxay yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Laakiin waxaa filayaa in aanu Madaxweynuhu halkan ku joojin doonin latashiga ee uu sidan kale Golle latashi u dhisi doono oo la kulmi doono qaybaha bulshada ee talada fayoobi ee aan danaha Siyaasadeed ku dhex qasneyni ka imaan karto sida Golaha Culimada, Golaha Dhaqanka, Golaha Ururada Bulshada Rayidka ee dalka ka jira, Golaha Looyarada iyo Aqoonyahanada, Golaha Dhalinyarada, Golaha Ururada haweenka iyo dabcan golayaasha Dawladda ee Dastuuriga ah iyo Golaha Madasha Qaranka ee Maamul Goboleedyada & Dawladda si talada dalka dhinacyada looga wada fadhiisto”, sidaasi waxaa qoray Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, horeyna u soo noqday Wasiir.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadka ee waxqabadka Dowladda F.Sooomaaliya

Muqdisho.SONNA…..1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelayaa Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda…

Gudaha
September 6, 2024

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo uu wehliyo Wasiir-dowlaha, Mudane…

GudahaWararka
July 7, 2024

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

Muqdisho(SONNA):— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la…

GudahaWararka
August 18, 2025

10 Ruux oo ku dhimatay magaalada Beledweyne ka dib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle

Muqdisho (SONNA):- Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay magaalada Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Wararka naga…

GudahaWararka
November 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023