Muqdisho,(SONNA):-Waxaa Maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho Shir waxaa lagu gorfaynayo geedi socodka siyaasadda dalka,Amniga,ciribtirka Khawaarijta,dib u Eegista Dastuurka,dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.
Madaxweynah XFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah u fidyay siyaasiyiinta iyo Madax dalka horay xilal kala duwaan uga soo qabtay si ay uga qayb qaataan geedi socodka siyaasadeed iyo jahaynta mustaqbalka Doorashooyinka dalka.
shirkaan oo ahaa shirkii ugu horeyay oo nuucisa ah oo ay isugu yimaadan dowladda iyo madasha siyaasiyiinta,waxaa sidoo kale maanta shirka ku soo biraya labada guddoomiye baarlamaan iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya.
Maanta ayaa shirka waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha jahaynta doorashooyinka iyo sidii ay u garfayn lahayeen arrimaah la xiriirah go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran ee maamul goboleedayda,gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho, inta aan la horgayn labada golle ee Baarlamaanka JFS.