Ka qeyb galka siyaasadda dhallinyarada oo laga hadlay “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Golaha Aqalka Sare ayaa kulan looga hadlayay ka qaybgalka siyaasadda dhallinyarada u qabtay Xildhibaanno ka socday Dowlad Goboleedyada Dalka.

Senatarrada dhallinyarada ah ee ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Madasha Qaran ee  siyaasadda loo dhanyahay.

Madashaan waxaa soo qaban-qaabiyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ka qayb qaadanaya xubno ka trirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Xildhibaanno ka kala socda Baarlamaanada dowlad Goboleedyada Hirshbeele. Koofur Galbeed. Galmudug iyo Jubbaland

Madashan ayaa socon doonta 7-8/04/2021 ayaadoo looga hadlayo sida ugu haboon ee dalku ku heli lahaa siyaasad loo dhan yahay.

La wadaag cid kale