Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka Guddoomiyaasha Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu Ansixiyay qaraar ka hadlaya Xaaladda Soomaaliya.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Shirka Guddoomiyaasha Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu Ansixiyay qaraar ka hadlaya Xaaladda Soomaaliya.
Wararka

Shirka Guddoomiyaasha Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu Ansixiyay qaraar ka hadlaya Xaaladda Soomaaliya.

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 28, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Maalintii labaad waxaa Magaaladda Ouagadougou ‘’Waakadhuugu’’ ee Caasimadda Dalka Burkina Faso ka socda Kalfadhiga15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana maanta kulan gaar ah yeeshay guddiga qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dibadda oo  ansixiyay 33-qaraar oo lasoo gudbiyay kulankii dhacay daba yaaqadii sanadkii 2018.

Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ waxaana Soomaaliya qaraaradan la ansixiyay ka quseeya qaraarka  NO:15-PRF/15-CONF oo ka hadlaya xaaladda Soomaaliya gaar ahaan horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale qaraarkan waxa uu ku baaqayaa in dhamaan dowladaha xubnaha ka ah midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in laga faa’ideysto fursadaha maalgashi ee xiligan ka banaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira dhowr qaraar oo wada taabanaya ama khuseeya inta badan dalalkan oo ay ka mid yihiin in guud ahaan dalalkan midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ay meel uga soo wada jeestaan talaabo walba oo sharci dara ah oo lagu cuna qabateynaayo wadamada Islaamka,qaraar ka hadlaya dhibaatooyinka Tahriibka iyo Qaxootiga ee caalamka Islaamka, iyo qaraar ku saabsan sidii loo taageeri lahaa muslimiinta ku nool wadamada looga tirada badanyahay.

Sidoo kale waxaa shirkan barbar socday shirka 8-aad guddiga joogtada ah ee Arrimaha Dhaqanka, Qaanuunka,dooda,Ilbaxnimada iyo Diimaha oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socda Dowladaha Carabta,Asia iyo Afrika.

Waxyaabaha looga hadlayna waxaa ka mid ah ilaalinta iyo difaaca Goobaha barakeysan ee wadamada Islaamka oo ay ku jiraan goobaha cibaadada gaar ahaan ilaalinta Masjidka Barakeysan ee Qudus.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo tababar la xiriira warbaahinta iyo xagjirka u furay Hawlwadeeno ka tirsan Dowladda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta furay tababar hal maalin ah oo loogu talagalay howlwadeenada…

GudahaWararka
October 22, 2025

Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay shirka ” Madasha Hab-maamulka Caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka”,

Beijing, (SONNA):- Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa ayaa maanta magaalada Beijing…

GudahaWararka
June 14, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga…

Wararka
April 29, 2023

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xarumaha ay ku Howlgalaan Laamaha Garsoorka”SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kormeeray Xarumaha  iyo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Laamaha Garsoorka…

Wararka
June 14, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023