Kismaayo-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey Kulan golaha wasiirada maamulkaas ay kaga hadleen howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada maamulkaas.
Golaha ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada oo maanta dhabar jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ooย Hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa qasaare xoog leh loogu geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.