Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, deeq lacageed oo dhan $2 milyan iyo raashin loogu talagalay in lagu taageero dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.
Safiirka Shiinaha, Wang Yu, ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gurmadka abaaraha iyo ka hortagga masiibooyinka kale ee dalka ka dhaca. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta bulshada.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in deeqdan loo adeegsan doono caawinta dadka ku nool 72 degmo oo ka tirsan gobollada dalka kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan 45 degmo oo ku sugan xaalad degdeg ah.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in taageeradan ay door weyn ka qaadan doonto badbaadinta nolosha dadka ay abaaruhu saameeyeen, gaar ahaan carruurta, haweenka iyo qoysaska nugul.
