Muqdisho (SONNA)-Hey’adda xuquuqda aadnaha ee Human rights watch ayaa maanta sheegtay in shaqaalaha caafimaadka dalka Suuriya ay u dhimanayaan cudurka COVID-19.
Hey’addu waxay tilmaantay in dhaqaatiirta iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka ee ka shaqeeya dhulka dowladdu maamusho aanay heysan qalabka ka hortaga (PPE) taana ay keentay in cudurku haleelo.
Waxaa la sheegay ilaa 33 dhaqtar ay u dhinteen calaamado u eg kuwa karoonaha
Guud ahaan dalka Suuriya waxaa la diiwan galiyay 2,830 kiis oo karoona ah iyo 166 dhimasho ah.