Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
    May 13, 2026
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo bilaabaya hannaanka Soomaaliya ay xubin buuxda uga noqoneyso ururka.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo bilaabaya hannaanka Soomaaliya ay xubin buuxda uga noqoneyso ururka.
GudahaWararka

Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo bilaabaya hannaanka Soomaaliya ay xubin buuxda uga noqoneyso ururka.

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 13, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee gobolka.

Haddii hannaankan uu guuleysto, waxaa ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay tirade waddamada xubnaha ka ah gobolka ka dhigeysa siddeed, sannad kadib markii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo lagu soo darey ururka. Xubnaha kale ee ururka ka tirsan ayaa kala ah Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Tanzania, iyo Koonfuurta Suudaan.

Kulan dhowaan uu yeeshay Xoghaynta Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Afrika iyo Baarlamanka Bariga Afrika (EALA), Maxkamadda Cadaaladda ee Afrika (EACJ) iyo hawlwadeennada EAC oo ka dhacay magaalada Machakos, ayaa Xoghayaha Guud ee Ururka Dr. Peter Mutuku Mathuki, waxaa uu sheegay in marka ay soo idlaadaan wadaxaajoodka, in ka hor dhammaadka sannadka 2023-ka Soomaaliya rasmi ahaan loogu aqbali doono xubin ka noqoshada ururka.

“Waxan dhammaadka bishan Soomaaliya u direynaa koox khubaro ah oo qiimeyn ku sameyn doonta xaaladda dalka, kadibna waxay keeni doonaan warbixin. Warbixintaas waxaa lala wadaagi doonaa Golaha Wasiirada ee Uurka iyo Shir Madaxeedka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) si ay talo uga bixiyaan. Haddii loo arko inay buuxisay shuruudaha xubin ka noqoshada ururka, waxay Soomaaliya nasiib u yeelaneysaa inay noqoto dalka 8aad ee ururkan xubin ka noqda dhammaadka sannadkan’’ ayuu yiri Dr Mathuki, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC).

Dr Mathuki ayaa sidoo kale xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha gobolka lana filayo in dakhliga haatan soo gala oo dhan 10 billion oo dollar la filayo inu labanlaabmo uuna gaari ilaa 20 billion oo dollar.

Soomaaliya waxay ururkan ku soo biirineysaa dhaqaalaha buluugga (kheyraadka badda) ee ay hodanka ku tahay , iyadoo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo qiyaastiisu tahay 3333km. Xeebaha Soomaaliya ayaa la rajeynayaa inay kaalin muuqata ka qaadan karaan kororka dhaqaalaha ururka, iyadoo dhanka kale waddamada xubnaha ka ah ururka ay qorsheynayaan inay yeeshaan suuq mideysan, lacag ka dhexeysa, iyo isku socodka muwaadiniinta dalalkooda.

Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu ka dhexeeyaa ilaa 300 oo milyan oo qof, waxaana ururka uu soo dhoweynayaa maalgashiga caalamiga si sare loogu qaado suuq-geynta wax soo saarka ee gobolka oo la gaarsiinayo qaaradda Afrika iyo dunida inteeda kale.

Xigasho Nation Kenya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kula…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka. Inta lagu guda…

GudahaWararka
November 25, 2025

Wasaaradda Cayaaraha oo amartay in la joojiyo dhamaan tartamada Isboortiga Dalka

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye,  ayaa soo saartay qoraal lagu hakinayo muddo…

Wararka
March 18, 2020

Bisha Cas ee Qatar oo soo gabagabaysay howlo caafimaad oo ay ka wadday Soomaaliya

Muqdisho –(SONNA)-Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Qatar oo kaashanaysa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa soo gebagebeysay howlo qallinno kala duwan ah…

GudahaWararka
December 21, 2021

Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray goobaha ay ciidanka xoogga dalka ka howlgalaan “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa manta booqday jiidda hore…

Wararka
November 5, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023