Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray
    February 15, 2026
    Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay afar dhaqar-qabe
    February 15, 2026
    Wasiirka Batroolka XFS” Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan gaarnay xilliga aan la soo bixin lahayn Kheyraadkeenna”
    February 15, 2026
    Guddoomiye Dr. Maryam Qaasim oo la kulantay Madaxa sare QM ee Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya
    February 15, 2026
    Madaxweynaha JFS” Afrika waa in ay heshaa kursi joogta ah oo Golaha Ammaanka ah”
    February 15, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shacabka Soomaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya (Maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Shacabka Soomaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya (Maqaal)
Maqaallada

Shacabka Soomaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya (Maqaal)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 7, 2023
6 Min Read
Share

Shacabweynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan dal iyo dibad waxay ka siman yihiin oo ay maskaxda iyo qalbiga ku hayaan inay mar un arkaan Dowlad fiican oo matali karta magaca dadka iyo dalka Soomaaliya, riyadaas oo la wada sugayey muddo dheer goortay rumoobayso, dadka qaarkood ee soo arkay dowladnimada qiimaha ay leedahay waxay yiraahdaan Nin nasiib leh ayaa arki doono dowlad Soomaaliyeed oo dib lugaheeda isugu taagta, si la mid ah dowladaha dunida ka jira, taas oo awood u leh inay maareeyso dhaqaalaheeda iyo amnigeeda, dibna u hanan karta magacii iyo sharafkii aan lahaan jirnay.

Doorashadii 15 May 2022 Dowaladda Soomaliya waxay cagta saartay wadada dib u soo kabashada qaran soomaalayeed oo lagu naaloodo, waxaa daliil u ah  labada Aqal ee Baarlamaanka,(Golaha shacabka iyo Aqalka sare) ay si aqlabiyad ah u doorteen Dr. Xasan sh.Mohamud oo ah siyaasi ruugcadaa oo horey u soo noqday madaxwayne la soo tijaabiyey 2012-2016. madaxeeynaha oo qibradiisa siyaasadeed ka faaiidayssnaya wuxuu magacaabay Raysalwasaare aqoon yahan ah, ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen, isku aragtina ay ka yihiin jihaynta iyo jaangooynta siyaasadda Soomaaliya, taas waxay u sahashay labada gole ee Baarlamaanka inay ku ansixiyaan Raysalwasaaraha tiro aad u badan oo ku dhow 100% taasi waxay ka turjumaysaa rabitaanka iyo rajada badan ee laga qabay wada shaqaynta madaxda sare ee dalka.

Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxay ka soo daaleen khilaaf ka dhextaagan madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne iyo Raysslwasaare oo ku kala duwan aragtida siyaasadda, hadii Duuliyaasha diyaaradda (pilot iyo Co-pilot) nimba dhinac diyaaradda u kexeeyo waxaa lala kulmayaa khatar iyo jahwareer, dowladihii hore ee Soomaaliya waxaa ragaadiyey isfaham la’aan ka dhex jirtay madaxda sare, natiijadana waxay ku dhamaan jirtay fashil aan ku Koobnayn labada hogaamiye, khilaafkaas wuxuu saamayn ku yeelan jiray dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto, iyadoo dadka waxgaradka ah wajigooda laga dareemi jiray inay aad uga xun yihiin khilaafka madaxda sare oo had iyo jeer keeni jiray burbur siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada dowlad dhiska soomaaliya, waxaana hoos u dhici jiray magaca iyo maqaamka dadka iyo dalka Soomaaliya, iyadoo la wajihi jiray jaheareer, hubanti la’aan iyo carqalad siyaasadeed oo ay buunbuunin jireen danleey aragti gaaban leh oo u adeega dano shisheeye iyagoo doonaya inay ka faaiidaystaan khilaafka iyo iska hor imaashaha madaxda sare.

Artintaas khilaafka madaxda sare waxay soo jiitamaysay 20kii sano ee la soo dhaafay ee lagu dhex jiray dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana la soo gaaray waqtigii caqabadaas laga gudbi lahaa, waxaa dalku yeeshay Madaxweyne iyo Raysalwasaare isku aragti ka ah arrimaha siyaasadda, taas oo ku dhisan Danta Qaranka, waa sababta xukuumadda loogu magac daray Dan Qaran, si looga wada fekero danaha ummadda soomaaliyeed meel walboo ay jogaan, iyo in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Rajada iyo dareenka dadka soomalida ay ka qabaan dowladnimada dib bay u soo noolaatay, Shacabka Soomaaliyeed waxay arkeen shaqo badan oo ay dowlaaddu qabatay, Xukuumadda Dan Qaran ee uu hogaamiyo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre waxay dardar gelisay in la sameeyo shuruucdii lagu hagi lahaa howlaha adeegyada bulshada loo qabto.

Madaxweynaha oo hal ku dhiggisu ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah, Dowladda federaalka waxay ku guulaysatay in waddamada deriska lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan Daris wanaag.  Wasaaraddu waxay door wayn ka qaadatay in danaha Soomaaliya si mug leh looga shaqeeyo heer gobol, qaarad iyo heer caalami intaba, in soomaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo madaxweyne Dr. Hassan Sh.Mohamud uu ka jeediyey qudbad qiiro leh xarunta golaha Amaanka, dowlado badan ayaa soo dhaweeyey in soomaliya laga qaado cunaqabaynta hubka, sidoo kale wasaaraddu waxay u istaagtay sidii Soomaaliya looga cafin lagaa daymaha.  waxa xusid mudan wasaaradda Arrimaha dibadda inay qayb libaax ka qaadatay gurmadka loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Sudan, iyadoo la soo daad gureeyey dad badan oo ay ku jiraan caruur, haween, waayeel iyo arday intaba.

Wasaaraddu waxay u qareentay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kala duwan iyadoo lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dhulkooda hooyo. waxaa bogaadin  mudan in Soomaliya ay ka qayb gashay markii ugu horaysay shirka looga hadlayo mamnuucidda isticmaalka hubka nuklerka Conmprehensive nuclear Test Ban Treaty Orgsnization(CTBTO), ururkaas wuxuu aad u dhiirigeliyaa hormarinta sayniska iyo technolojiyada, (Science and Technology).

Ururka CTBTO waxaa ka faa’iidaysta wadamo badan oo qaarkood ay yihiin wadamada soo koraya, taasoo la rajaynayo in dowladda Soomlaiya ay ka faa’daysan doonto maadaama uu wasiir Huruse ka qayb galay shirwaynaha Ururka CTBTO, wuxuna ka soo jeediyey qudbad qiimo badan oo xambaarsan aragti siyaasadeed oo muujinaysa halka Soomaaliya ay hiigsanayso dhinaca Sayniska iyo Technolojiyada, Khudbadda wasiirka waxay aad u soo jiidatay dhamaan wafuudii calamka ka kala socotay, shirkaas wuxu ka dhacay Vienna, Austria.

W.Q. Amb.Osman Mohamed Adan

irshadadansare@gmail.com

 la soco qeybta 2-aad

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS  Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay…

February 15, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta Al-shabaab oo dhib badan u geysta dhalinyaradda ay qaldeen

Muqdisho(SONNA);-Khawaarijta Al Shabaab waxay kala Go’doomiyeen Walidiinta Soomaaliyeed iyo Caruurta ay dhaleen kuwaas oo maskaxda ay ka xadeen una adeegsadaan…

Maqaallada
April 3, 2023

Khawaarij badan oo lagu dilay howlgallo dhowr meel ka dhacay (WARBIXIN)

Waxaa jirta in mar dhow uu dalka si rasmi ah uga billowdo Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda…

GudahaMaqaallada
July 11, 2023

Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)

Xiisada Geeska Afrika ayaa soo cusboonaatay dabayaaqadii bishii Agoosto markii labo diyaaradood oo kuwa Xamuulka ah oo Milateriga Masar ay…

GudahaMaqaallada
September 28, 2024

Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN)

Inta aan u gudagalin nuxurka warbixinta aad bal dib yara jaleecno, sidii mar kale loogu doortay Xilka Madaxweynaha JFS Dr:…

GudahaMaqaallada
May 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023