Muqdisho,(SONNA):- Isku soo bax lagu taageerayo dhammeystirka iyo ansixinta Dastuurka Dalka ayaa caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, halkaas oo ay shacabka ku muujinayeen dareenkooda ku aaddan sida ay ugu faraxsan yihiin ansixinta Dastuurka.
Qaar ka mid ah shacabka ka soo qeyb galay isku soo baxa ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka sida geesinimada leh ay uga dhabeysay go’aankeedii ahaa dhammeystirka iyo ansixinta Dastuurka.
Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Cumar Faaruuq ayaa yiri”Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu jabiyay darbi aan cidna maleysaneyn in la jabinayo dastuurkii muddo soo jiitamayayna waa dhameystiray.”
Sidoo kale, Maxamed Ismaaciil Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay inuusan fileyn in isaga oo nool Dastuurka oo muddadaas soo jiidamayay la ansixinayo.
“Isma dhaheyn maanta adigoo nool ayaa dastuurkii mudadaas soo jiitamayay la ansixinayaa balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhiiraday.”