Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya. Qeybta 2-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya. Qeybta 2-aad
Maqaallada

Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya. Qeybta 2-aad

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 10, 2023
7 Min Read
Share

La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u arkaa la dagaalanka musuqmaasuqa inay tahay shaqo mudan in la siiyo ahmiyadda koowaad, waxayna qayb ka tahay ballanqaadkii khudbadii madaxweynaha Dr. Xasan sh.Maxamud uu ka jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka xilligii doorashada, wuxuna ballanqaaday hadii la doorto in dalka laga hirgalinayo dowlad wanaag (goodย  governance), dadkaย  la socda taariikhda Soomaaliya waxay ku tilmaamaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Dr.Xasan Sh.Maxamud iyo Raysalwasaare Xamza Cabdi Barre inay ku taagan tahay wadadii dowladii madaxweyne Adan Abdulle Osman, (Adan cadde) iyo Abdirisaaq Xaji Xuseen oo lagu xasuusto dowlad wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, xilligaas dad badan ayaa ku waayey xilkooda musuqmaasuq iyo karti laโ€™aan, iyadoo loogu magac daray Busta Rosa.

Amniga, Dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay dib u xorayso goobo badan oo ay maamuli jireen kooxda AL-Shabaab.ย  Ciidamada qalabka sida waxay muujisay inay awood u leeyihiin hanashada amniga dalka,ย  iyadoo kor loo qaaday tayada iyo qalabka ciidanka, waxayna diyaar u yihiin inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka maadaama ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan dabayaaqada 2024, ATMIS waxay bilaabeen inay ku wareejiyaan ciidamada Soomaliya goobo badan oo ay horey u daganaayeen iyagoo isu diyaarinaya inay dib ugu laabtaan dalalkooda.

Dhinaca Waxbarashada, Madaxeynaha iyo raysalwasaruhu maadaama ay ka wada tirsanaan jireen bahda waxbarashada waxay ku dadaaleen in wasiirka uu noqdo shaqsi aqoon iyo khibrad badan u leh Arrimaha waxbrashada waxana loo magacaabay Ustaad Farax Abdulqadir oo muddo badan ka soo shaqeeyey waxbarashsda dalka, dowlada federaalka waxay dardargelisey kor u qaadista tayada waxbarashada, midaynta manaahijta dalka si loo mideeyo waxbarashada ardayda soomaaliyeed korna loogu qaado heerkooda waxbarsho, wasaradda waxbarashada waxay qabatay shirwayne looga hadlayo waxbarashada dalka heerka ay marayso, caqabaedaha ku gadaaman iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadahaas. Nasiib wanaag waxaa lagu guulaystay in laga gudbo caqabad wayn oo jirtay taasoo ahay macallimiinta oo aad uย  tiro yar, marka la barbardhigo ardayda, tuulooyinka ka fog magaalooyinka waxa ka jiray macallin yaraan baahsan, dowladda federalka waxay howl gelisay ilaa 3000 macallin oo loo qaybiyey gobaladda dalka oo dhan iyadoo lagu saleeyey baahida macallin ee ka jirta degaan walba.

Xiriirka Arrimaha Dibadda, Dowladda federalka Soomaaliya waxay si Mug leh u howl gelisay wasaaradda Arrimaha dibadda oo uu hogaaminayo wasiir Abshir Huruuse oo ah shaqsi leh karti iyo hufnaan aqoon gaar ahna u leh xiriirka caalamiga, wasaaradda Arrimaha dibadda waxay ka miro dhalisay hal ku dhagga Madaxeeynaha oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah, Dowladda federaalka waxay ku guulaysatay in waddamada deriska lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan Daris wanaag.ย  Wasaaraddu waxay door wayn ka qaadatay in danaha Soomaaliya si mug leh looga shaqeeyo heer gobol, qaarad iyo heer caalami intaba, in soomaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo madaxweyne Dr. Hassan Sh.Mohamud uu ka jeediyey Khudbad qiiro leh xarunta golaha Amaanka, dowlado badan ayaa soo dhaweeyey in soomaliya laga qaado cunaqabaynta hubka, sidoo kale wasaaraddu waxay u istaagtay sidii Soomaaliya looga cafin lagaa daymaha.ย  waxa xusid mudan wasaaradda Arrimaha dibadda inay qayb libaax ka qaadatay gurmadka loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku goโ€™doomay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Sudan, iyadoo la soo daad gureeyey dad badan oo ay ku jiraan caruur, haween, waayeel iyo arday intaba.

Wasaaraddu waxay u qareentay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kala duwan, ย iyadoo lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dhulkooda hooyo. waxaa bogaadinย  mudan in Soomaaliya ay ka qayb gashay markii ugu horaysay shirka looga hadlayo mamnuucidda isticmaalka hubka nuklerka Conmprehensive nuclear Test Ban Treaty Orgsnization(CTBTO), ururkaas wuxuu aad u dhiirigeliyaa hormarinta sayniska iyo technolojiyada, (Science and Technology).

Ururka CTBTO waxaa ka faaโ€™iidaysta wadamo badan oo qaarkood ay yihiin wadamada soo koraya, taasoo la rajaynayo in dowladda Soomlaiya ay ka faaโ€™daysan doonto maadaama uu wasiir Huruse ka qayb galay shirwaynaha Ururka CTBTO, wuxuna ka soo jeediyey qudbad qiimo badan oo xambaarsan aragti siyaasadeed oo muujinaysa halka Soomaaliya ay hiigsanayso dhinaca Sayniska iyo Technolojiyada, Khudbadda wasiirka waxay aad u soo jiidatay dhamaan wafuudii calamka ka kala socotay, shirkaas wuxu ka dhacay Vienna, Austria,

Talo soo jeedin ku wajahan Dowladda Federaalka.

1-In kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha dowladda, dunida waxay ku horumartay kor u qaadista karaan ama kartida shaqo ee aadanaha (Human Capital), iyo in laga faaโ€™iidaysto aqoon yahanka Soomaaliyeed oo leh aqoon sare, khibradย  iyo daacadnimo diyaarna u ah inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa, wadamada Japan,South Korea iyo Singapore, malaha khayraad badan oo dabiici ah laakiin waxay horumariyeen dadkooda iyagoo baray aqoon,xirfadaysan iyo karti howsha laguย  fuliyo (Competence), dadka Soomaaliyeed hadii tayadooda kor loo qaado waxaan hubaa inay la tartami karaan wadamadaas aan kor ku soo xusay.

2-Shacabka Soomaaliyeed waxay talo ku soo jeedinayaan in nabad lagu soo dabaalo Gobalada dalka ee ay colaaduha ka jiraan iyadoo la adeegsanayo culimada diinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed si loo gaaro xal nabad galyo ku dhisan

3-In guud ahaan dalka laga abaabulo ALLE Barrri iyo duco, in Alle la waydiisto cafis guud, dadka oo dhanna laga codsado inay is cafiyaan, si loola yimaado niyad sami horseedi karta in Soomaliya ilaahay towfiiqda waafajiyo oo ay midowdo, Soomaalidii hore xaalka markuu adag yahay waxay oran jireen aan ducaysano.

4-In daโ€™yarta soo koraysa ee ku jirta heerarka kala duwan ee waxbarashada lagu barbaariyo walaalnimo iyo Soomaalinimo, waayeelkana lagu boorriyo walaalnimada iyo Soomaalinimada si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybin iyo khilaaf Bulsho.

Guntii iyo Gabagabo Shacabka Soomaaliyeed waxay qirayaan in dowladda federaalka ay qabatay shaqo wanagsan islamarkaana ay raali ka yihiin hoggaanka siyaasadda Soomaaliya ee Madaxweyne Dr.Xasan Shiikh Maxamud iyo Raiisulwasaare Xamse Cabdi Barre. Xukuumadda Dan Qaran waxay mujisay dadaal dheeraad ah muddadii ay jirtay ee sanadka ahayd, waxaana laga rajaynayaa in dowladdu ay qaban doonto shaqooyin badan oo muhiim ah sanadada soo socda hadii ALLE idmo.

Dhammaad.

W.Q. Amb.Osman Mohamed Adan

irshadadansare@gmail.com

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabeen guryihii Alle โ€œMasaajidaโ€ ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Muqdisho(SONNA):-Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabbeen guryihii Alle โ€œMasaajidaโ€ ee ku yaalay deegaanada laga saaray Kooxda naxariista daran ee khawaariijta…

GudahaMaqaalladaWararka
January 10, 2023

โ€˜Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amnigaโ€™ (WARBIXIN)

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada…

GudahaMaqaallada
June 24, 2024

โ€˜Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtiiโ€™ (WARBIXIN)

โ€œSoomaaliya waa xor cidda ay doonto ayay la heshiinee, cidna kala tashameyso, qofna kala tashan doono masiirkeenaโ€ sidaas waxaa kl…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 3, 2024

Kooxaha khawaarijta oo iska dilay horjoogayaal sar sare

Muqdisho(SONNA):-Kooxaha khawaarijta ee gabalkoodu sii dhacayo ayaa maalmihii u dambeeyey iska khaarajiyey horjoogayaal sar sare,horjoogayaashan ayaa lagu kala khaarajiyey gobolada…

MaqaalladaWararka
April 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023