Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Sanadkan 2023-ka  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sanadkan 2023-ka  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Sanadkan 2023-ka  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 23, 2023
13 Min Read
Share

Kadib markii la soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii hore, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Siyaasadda arrimaha dibadda:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM.

Haddaba maxaa ka fulay qorshayaasha Dowladda ee dhinacyada siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo midda gudaha?.

Qorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

1.ku biirista Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadib  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

3.Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

4.Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,  “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

Qorshayaasha dowladda ee siyaasadda arrimaha gudaha ayaa ahaa:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo,dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan.

Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

By: C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐃𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲, 𝐗𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚𝐧𝐚 𝐊𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐨 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐊𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡

Baydhabo(SONNA); – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta si rasmi…

GudahaWararka
July 7, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Ingiriiska

London, (SONNA):-  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo…

GudahaWararka
November 14, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Wadada Laamiga ee Isgoyska Towfiiq illaa Miisaanka Dhuxusha

Muqdisho(SONNA):Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Dhagax-dhigay dhismaha Wadada Laamiga ee Isgoyska Towfiiq…

GudahaWararka
February 26, 2024

Mareykanka oo walaac ka muujiyay xadgudubka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA):-Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka Matt Miller ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay aqoonsan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee…

GudahaWararka
January 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023