Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Sanadka 2023-ka  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN) Qeybtii 2-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sanadka 2023-ka  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN) Qeybtii 2-aad
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Sanadka 2023-ka  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN) Qeybtii 2-aad

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 30, 2023
7 Min Read
Share

Dhacdooyinka Soomaliya ee sanadka 2023-ka oo sii dhammaanaya ayaan waxaan eegeynaa muddadaasi maxaa u qabsoomay Dowaladda Soomaaliya oo qorsheysatay arrimaha soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha iyo midda arrimaha dibadda, marka qeybtaana waxaan ku eegeynaa:-

Qorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

1.ku biirista dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadib  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

3.Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

4.Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,  “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan sii dhammaanaya ee 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey oo waxaan ku biirnay suuqa dhaqaalaha bariga Afrika (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.

Waxaa kaloo jirta in dhammaadka sanadkan ay dowladda Soomaaliya ay wadahadallo la furtay maamulka Soomaaliland, iyadoo labada masuul ee Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi ay wadahadal ku yeesheen Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu isu keenay labada dhinac Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad, waxaana ugu dambeyn tii laga soo saaray war-murtiyeed, taasi oo ka turjumeysa halku dhigga ah ‘SOMALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH’.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

By: C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka cadaaladda XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa…

GudahaWararka
February 11, 2026

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo qabatay kulan dadweyne oo la xiriiray dastuurka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay kullan la-tashi Dadweynaha oo…

Gudaha
August 22, 2025

Taxanaha Taariikh Tacliinta Soomaaliya (MAQAAL)

HORDHAC Tacliintu Waa nidaamka Waxbarasho ee wadanka Soomaaliya. Sida saxda ah, Wasaaradda Waxbarashada ayaana ka mas’uul ah dhammaan tacliinta iyo…

MaqaalladaWaxbarashada
June 10, 2023

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Moqokori(SONNA):-Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo hawlgalka…

GudahaWararka
May 31, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023