Ethiopia,(SONNA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyay xoghaynta xafiiska Midowga Africa Mss Dalitso Bonongwe, wafdigan booqashada ugu yimid safiirka waxaa sidoo kale ka mida ahayd Ms Laura Rakoton andrasana oo ah madaxada isgaarsiinta ee Midowga Africa.
Labada dhimac ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo wada shaqaynta ee ka dhexeeya Safaaradda Soomaaliya iyo Midowga Africa gaar ahaan arrimaha khuseeya nabad-galyada gobolka iyo guud ahaanba.