Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin
GudahaWararka

Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 28, 2024
2 Min Read
Share

Mersin.(SONNA):- Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Danjire Fatxudiin Cali Maxamed oo booqasho ku tagay magaalada Mersin ee dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada, madaxda sare ee Jaamacadda Mersin, ganacsato iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baratada magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Danjire Fatxudiin oo ugu horreyn si weyn loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Mersin ee Turkiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Jaamacadda Mersin oo in ta badan ay wax ka bartaan ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin, waxaana uu warbixin la xiriirta xaalada guud ee ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ku barata ka dhagaystay guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar oo safiirka la wadaagay warbixin ku aadan ardayda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in arday badan oo Soomaaliyeed ay dhigtaan Jaamacadda Mersin, qaar kalena ay horray uga baxeen.

Guddoomiyaha oo safiirka kaga mahadceliyay booqashadiisa ayaa yiri” waxaan aaminsanahay in xariir walaaltino xooggan oo soo jireen uu ka dhaxeeyo Turkiga iyo Soomaaliya, maanta uu heer wanagsan marayo xariirkaasi”.

Dhanka kale safiirka oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin ayaa kula dardaarmay inay hormariyaan waxbarashadooda, iyaga oo ka faa’ideysanaya hannaanka sare ee waxbarasho ee heystan, waxaana uu u sheegay inay yihiin safiirro dalkooda metalaya oo la rabo inay ugu adeegan oo ay dib ugu celiyeen tacliinta ay barteen.

“Waxaan si weyn idinkugu boorinayaa inaad ka faa’ideysataan fursada aad maanta heysatan, waxbarashaddu awoodda wax lagu beddalo, lagu jiheeyo, laguna hago dunida, culuumta kala duwan ee dalka looga baahan yahay ku dadaala oo barta” ayuu yiri danjire Fatxudiin Maxamed Cali.

Ugu dambeyn safiirka ayaa kulan la yeeshay ganacsatada magaalada Mersin, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xariirka ganacsi ee soo jireen ah iyo in si wadajir ah looga faa’ideysto fursadaha ganacsi ee labada dal, waxaana uu sheegay in safaaraddu ka shaqeyn doono fududeynta isku xirka ganacsiyadda labada dal si loo soo horumariyo ganacsiga heer caalami.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliye Sulub”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Ahmed Firin oo la hadlay qaar kamid ah ciidanka iyo ururada bulshada oo loo…

Gudaha
August 2, 2024

Qoysas ku go’doonsan xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne oo xaalad adag wajahaya

Muqdisho.(SONNA):- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waaa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka roobabka,waanna…

GudahaWararka
November 18, 2023

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee Caabuqa COVID-19

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur oo warbixintii ugu Dambeysay ee Xaaladaha Caabuqa COVID-19 siisay Telefeeshinka Qaranka iyo…

Wararka
February 16, 2021

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga  oo warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta wasaaradda, sidoo kalena guddi u saaray Is-af-garadka Ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda

SONNA (MUQDISHO) Shir maanta ay yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif…

GudahaWararka
May 30, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023