Madaxweyne Lafta Gareen oo la kulmay Safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka

La wadaag cid kale

SONNA (MUQDISHO)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa galabta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiiradda Dowlada Ingiriiska iyo sii hayaha Safaarada Mareykanka.

Madaxweynaha iyo Safiirada kulankooda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Madaxtooyada KG.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladda dalka uu marayo dhinacyada Amniga,doorashooyinka iyo Abaaraha.

 

 

La wadaag cid kale