Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 28, 2025
6 Min Read
Share

Taariikhda dhabta ah ee magaalada Muqdisho, waxaan si qurux badan uga marag furi karnaa Mogadishu Stadium, inuu yahay garoon weyn oo astaan u ahaa Isboortiga Soomaaliyeed, balse mar noqday mid ka mid ah meelaha ay colaadda iyo burburku ugu daran Saameeyeen. Muuqaalka maanta laga arkayo Mogadishu Stadium waa mid gebi ahaanba ka duwan kii, toban ama labaatan sano ka hor. Garoonkii burbursanaa ayaa dib loo dhisay, lana qalabeeyay, waxaana loo rogay xaruun isboorti oo heer caalami ah. Ma aha kaliya meel lagu ciyaaro kubadda cagta, balse waa astaanta cusub ee nabadda, horumarka iyo kalsoonida ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan dalkooda.

Bishaan May,  27, 2025-ka, oo aheyd shalay Muqdisho waxay martigelisay ciyaartoy caalami ah oo magac iyo maamuus ku leh dunida. Xiddigaha reer Afrika sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo dhammaantood u soo ciyaaray kooxaha ugu waa weyn kubadda cagta sida Barcelona, Real Madrid, Chelsea, Arsenal, iyo Manchester City, ayaa cagta dhigay Garoonkaasi. Muuqaalkaasi waa kuwo taariikhi ah, dareen gaar ahna u leh kumannaan qof oo Muqdisho ku noolaa xilliyadii dagaallada iyo burburka.

Ciyaartani ma aheyn oo kaliya ciyaar, waxay ahayd farriin xooggan oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka baxday mugdiga, una socoto iftiin, waxaana la arkay Caruur faraxsan, Waalidiin iyo dhallinyaro isugu yimid inay taageeraan ciyaaraha, iyadoo aysan jirin rasaas ama cabsi,  taasina waa horumar.

Dib u soo noolaanshaha Mogadishu Stadium waa qeyb ka mid ah isbeddelka guud ee ka socda dalka, waxaana dib u shaqo bilaabay xarumo dowladeed, iskuullo iyo jaamacado ayaa si xowli ah u fidaya, waddooyin ayaa la dhisay, ganacsi ayaa kobcaya, dalxiis ayaa soo ifbaxaya, iyo diblomaasiyad firfircoon ayaa horseed u ah magac wanaagsan oo Soomaaliya ku yeelato dunida inteeda kale.

Isboortigu wuxuu kaalin weyn ka ciyaaraa nabadda, wuxuuna mideeyaa bulshada, wuxuu dhiirrigeliyaa wadajirka, wuxuuna daaweyn u yahay dhaawacyadii Maskaxda iyo qalbiga ee ay colaadaha sababeen. In ciyaartoy heer caalami ah ay yimaadaan Muqdisho waxay soo jiidatay indhaha caalamka, waxayna kor u qaaday niyadda bulshada Soomaaliyeed.

Mahad Alle ayey u sugnaatay,  Isbeddelkan ma suurtagaleen la’aanta is-garab taagga Alle, sabirka shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hal-abuurka leh ee ay muujinayaan dhallinyarada, dowladdu iyo dadka qurbo-joogta ah, waxaana mudan in la xasuusto in horumarka aan maanta aragno uu yahay natiijada sannado badan oo dadaal, dulqaad iyo hiigsasho wacan ah.

Sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, “Caasimada dalka maanta waxay gudbisey sawir qurux badan Xukuumadda Dan qaran iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, waana uga mahad celineynaa inay dunida u muujiyeen in dalkeennu maanta uu  si cad u muujiyey inuu  Marti gelin karo ciyaaro caalami ah”.

Mogadishu Stadium maanta ma aha oo kaliya garoon, ee waa ‘Astaan Qaran’, calaamad rajo, iyo tusaale cad oo muujinaya soo kabashada Soomaaliya .

“Qaar ka mid ah Ciyaartooyda heerka caalami ee Afrika ayaa dib ugu soo laabtay garoonka, iyagoo ciyaar taariikhi ah ku soo bandhigay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”, sidaasi waxaa qoray TRT Africa qeybteeda African’s Post.

“Kumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaartaas, waxaana ka dhex muuqday xiddigo hore oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Jay-Jay Okocha, Emmanuel Adebayor, Samuel Eto’o, iyo Vincent Onyeama iyo qaar kale, kuwaasoo la ciyaarayay koox ka mid ah xiddigihii hore ee Soomaaliya”.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya lagu qabto ciyaar heer sare ah tan iyo markii ay ka dilaaceen dagaaladii Sokeeye in ka badan 30 sano ka hor, waxaa loogu magacdaray Dalxiiska Nabadda iyo Halyeyga ah, waxaana ujeeddadiisu tahay in lagu muujiyo hamiga Soomaaliya ee ah in ay dib ugu soo laabato Masraxa kubadda Cagta caalamka, ayna muujinayso nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Wafuud ka kala socota FIFA iyo xiriirka kubadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sidoo kale la filayaa inay dhawaan dalka yimaadaan”, ayay qoraalkeeda ku sheegtay. “Kulamada martigelinta ee ka dhacaya garoonka Muqdisho waxay sare u qaadayaan muuqaalkeenna kubbadda cagta,” ayuu yiri Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka Xiddigaha Caalamiga ah iyo Madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabaan Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo maanta kulmay

Madaxweyniyaasha shanta dowlad goboleedyada iyo wakiilo ka tirsan beesha caalamka ayaa maanta ka wada hadlay xal u helidda caqabadaha ka…

Gudaha
March 29, 2021

Wasaaradaha Qorshaynta iyo waxbarashada oo ka wada shaqaynaya horumarinta qorshaha waxbarasho ee dalka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa kulan…

GudahaWararka
August 2, 2023

Wasiirrada Difaaca JFS iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaaca ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler ayaa dalka Turkiga…

GudahaWararka
October 28, 2024

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad

Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi…

GudahaWararka
November 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023