Muqdisho (SONNA) Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qado sharaf hoygiisa ugu sameeyay Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ah.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.


