Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad walba dunida laga xuso 10-ka December.
Xafladda oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa lagu xusay muhiimadda xuquuqda aadanaha iyo doorka Soomaaliya ee horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul Insaanka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u heellan tahay xoojinta ilaalinta xuquuqda aadanaha, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay si buuxda uga go’antahay ilaalinta xaquuqda Muwaadiniinta.
Xukuumadda DanQaran ayaa dhawaan dhistay guddiga Qaran ee Xaquuqda Aadanaha taas oo looga go leeyahay in la mideeyo warbixinnada, kormeerka iyo dabagalka, si Soomaaliya ay ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.
