Muqdisho (SONNA): Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada dalka iyo agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirka warfaafinta dowladda FS mudane Daa’uud Aways, wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha mudane Xersi Gaani iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul wasaaraha warbixin ka siiyey hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho iyo muhiimada ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.
Wasiiradda warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isulwasaaraha ugu mahad celiyay kulankan iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay wasiirada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha dowladda, Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.
Ra’isul wasaare Xamse ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.