Muqdisho (SONNA): Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta soo xiray shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho ka socday maalmuhii u dambeeyey.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xukuumadda Danqaran ay dhallinyarada siinayso ahmiyad gaar ah, isaga oo xusay in siyaasadda Qaran ee dhallinyaradu ay tahay mid qeexaysa doorkooda muhiimka ah.
Sidoo kale ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa xusay in ay ku hawlan yihiin siyaasado iyo barnaamijyo shaqo abuur u ah dhallinyarada Soomaaliyeed.
Shirweynaha dhallinyarada oo muddo saddex maalmood ah ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo dibedda, iyada oo lagu lafa-guray, lagana dooday caqabadaha haysta dhallinyarada iyo sidii looga gudbi lahaa.