Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Taariikhda kulamadii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Taariikhda kulamadii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka
Caalamka

Taariikhda kulamadii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka

By Kulane
Last updated: June 17, 2021
4 Min Read
Share

Shalay waxaa magaalada Genève ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo looga hadlay dhinacyo badan ku yeeshay madaxweynaha  Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweynaha dalka Switzerland Guy Parmelin ayaa kusoo dhaweeyay labda madaxweyne qasriga taariikhiga ah ee “ La Grange”

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay mowduucyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen  arrimaha istaraatiijiyada caalamka, cudurka  Corona, la dagaalanka dambiyada internetka, iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha  cimilada.

Biden iyo Putin ayaa sidoo kale isku soo qaaday xaaladaha dalalka  Suuriya, Liibya, Afghanistan,  Ukraine iyo Belarus.

Billawgii xiriirka Tooska

Laga soo billaabo 1991-kii ilaa iyo hadda waxaa kulamo taariikhi ah yeeshay seddex madaxweyne oo Ruush ah iyo lix madaxweyne oo Mareykan ah.

Inta badan kulamadaan  dhax maray madaxda labada dal, waxay ka dhaceen dal seddexaad.

Boris Yeltsin iyo George Bush (hore)

Kulankii ugu horreeyay ee dhexmaray madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka wuxuu ka dhacay Washington 1992, kadib markii madaxweynihii Ruushku ku tegay Mareykanka booqasho rasmi ah.

Labada madaxweye ayaa xilligaas kawada hadlay hoos u dhigista loolanka hubka culus ee nuclerka, inkasta oo aan la gaarin heshiis rasmi ah.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la abuuro jawi ku dhisan is aaminaad lana joojiyo dagaalkii qaboobaa.

Boris Yeltsin iyo Bill Clinton

Boris Yeltsin iyo Bill Clinton ayaa ku kulmay  magaalada Vancouver ee dalka Canada bishii April 1993.

Kulankaas ayaa intiisa badan xoogga lagu saaray  arrimaha dhaqaalaha.

Vladimir Putin – Bill Clinton

Madaxweyne Bill Clinton oo ku tegay booqasho shaqo dalka Ruushka ayaa la kulmay  Vladimir Putin 2000.

Bill Clinton waxaa muddo xileedkiisa uga haray xilligaas 6 bilood, halka Putin  uu ahaa madaxweyne bil oo kaliya.

Vladimir Putin iyo George Bush (danbe)

Waxay  magaalada Ljubljana ee  Slovenia marti gelisay 2001, kulna dhax maray  Vladimir Putin iyo George Bush.

Kulankaas kadib, wuxuu Mareykanku ku eedey Ruushka basaasnimo, waxayna labada dal isweydaarsadeen burinta diblomaasiyiin.

Dmitry Medvedev iyo George Bush

Madaxweyne  Dmitry Medvedev ayaa kula kulmay madaxweyne George W. Bush magaalaada Toyako 2008.

Kulankaas ayaa kusoo beegmay Dmitry Medvedev oo xilka ku cusub iyo George W. Bush oo waqtigu kasii dhamaanayo.

Dmitry Medvedev iyo Barack Obama

Dmitry Medvedev ayaa sidoo kale la kulmay madaxweyne Barack Obama.

Kulankaas ayaa ka dhacay guriga safiirka Mareykanka uu ka degan yahay magaalada London bishii April 2, 2009.

Kulankaas ayaa dhacay 73 maalin kadib markii la caleema saaray madaxweyne Obama.

Vladimir Putin iyo Barack Obama

Vladimir Putin  ayaa kula kulmay  Barack Obama magaalada Los Cabos, ee dalka Mexico 2012.

Kulankaas ayaa dhacay  42 maalin ka dib, markii Putin uu mar kale qabtay madaxtinimada dalka Ruushka.

Vladimir Putin iyo Donald Trump

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka, ee kala ahaa   Vladimir Putin iyo Donald Trump, ayaa ku kulmay Hamburg sannadkii 2017.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa socday  laba saacadood iyo 15 daqiiqo, iyadoo qorshuhu ahaa  30 ilaa 45 daqiiqo.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimihii ka socday dalalka Siiriya, Ukraine,  hubka nucelerka iyo la dagaalanka argagxisida.

Kulanka madaxda labadaan dal ayaa ka duwan kulmada ay yeeshaan madaxada kale ee caalmaka, waxaana isha ku haya warbaahinta  iyo khubarada siyaasadda ee dunida.

Russia Today ayaa qortay warbixintaan ku saabsan sooyaalka kulmadii ay yeehseen madaxweynayaalka Ruushka iyo Mareykanka laga soo bilaabo 1990 ilaa hadda

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aadan xadgudubyo ka dhacay Suuriya

Ankra (SONNA)- Turkiga ayaa jimcihii diiday eedeynta uga timid guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM oo ku aadan xadgudubyo ka…

CaalamkaWararka
September 19, 2020

Tababare Solskjær oo goolkii uu xalay dhaliyay Marcus Rashford la bar-bardhigay Cristiano Ronaldo

Manchester(SONNA)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka ay…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

Afganistaan:Gabdhaha oo loo ogolaaday in ay ku laabtaan dugsiyada sare

Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in gabdhaha loo oggolaan doono inay dhowaan dib ugu laabtaan waxbarashada dugsiyada sare ee…

Caalamka
January 7, 2023

R/wasaarihii hore ee Bakistaan Imran Khan  oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa saddex sano oo xarig ah ku xukuntay ra'iisul wasaarihii hore Imran Khan kadib markii lagu…

Caalamka
August 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023