Muqdisho (SONNA): Raโiisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay daah-furka madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Somalia Joint Fond).
Madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya ayaa loogu tala-galay in lagu taageero horumarka iyo dawlad-dhiska, sidoo kale sanduuqan ayaa xoogga saari doona taageerada siyaasad loo dhan yahay, hirgelinta sharciga, xuquuqal insaanka, wax ka qabashada isbedelka cimilada, horumarka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Raโiisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran iyo ka guud ee Qaranka ay ku salaysan yihiin sidii loo heli lahaa Soomaaliya isku filan oo isku tashata si saaxiibbada beesha caalamku ay ugu gurmadaan meelaha kale ee mudan taageerada.
Wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda FS ayaa hagaysa hanaanka shaqo ee Santuuqa, kaas oo siinaya dowladda hab lagu hubinayo islamarkaana si toos ah ula jaanqaadi kara qorshayaasha hortabinta u leh Qaranka Soomaaliyeed, xoojinayana lahaanshaha Qaranka ee kaalmada horumarinta ee caalamiga ah iyo in si wadajir ah mudnaan loo siiyo isticmaalka kheyraadka sida ugu wanaagsan.
Ugu danbayn Raโiisul wasWasaaku xigeenka ayaa ugu mahad celiyay saaxiibbada beesha caalamka ee qeybta ka ah sanduuqan garab istaaggooda iyo taageerada ay la barbar joogaan shacabka Soomaaliyeed.