Muqdisho.(SONNA):- Asalaamu Caleykum macno ahaan waa duco, waana suno, waana ay wanaagsan tahay in qof kasta, qofka kale ku salaamo, balse sida Bulshada Soomaaliyeed ay ugu dhibaateynayeen Khawaarijtu ,iyagoo ku gambanaya Diinteenna suuban ayaa dadka waxay cabsi ka qaadeen Kalmadaha โ Asalaamu Caleykum, Allaahu Akbar, Alle ka cabso iyo kuwo kale oo badanโ.
Salaanta Islaamka ee โAsalaamu Caleykumโ ayay dad badan inta ay gadaashooda ka yiraahdeen Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa marka ay soo jeesteen dunida dhaafsiiyeen oo ay toogteen, taasina waxay sababtay in qofka marka uu waddo marayo ee uu maqlo โAsalaamu Caleykumโ uu wal wal dareemo.
โ Gadaasheyda markaan sii socdo oo qof gadaal Asalaamu Caleykum iga yiraahdo, waxaan is iraahdaa inkaar qabooyinkii maa maanta ku salaamay, waa ka naxaa, sababtoo ah Asalaamu Caleykum Diinta Islaamku wey dhahdaa, qofka marka kugu horeeyo aad aragto aad salaanto, waa wax aad u wanaagsan, laakiinse โAsalaamu Caleykumtiibaโ waxaa lagu gartaa in ay tahay in dad qaas ah loogu talagalay in ay tahay,โ ayay tiri mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo ka hadashay muhiimadda salaanta iyo sida Khawaarijtu u suurad xumeeyeen.
Muhiimad intee la eg ayay u leedahay in dadka muslimiinta ah ay isku salaamaan, Salaanta islaamka โ Asalaamu Caleykumโ,?.
โ Salaantu Nabigaa na amray, in la isa salaamo, dad waxaa jira Shiicada iyo Khawaarijta iyo rawaafida dad la yiraah oo u nisba sheeganaya Diinta Islaamka ee Diintii islaamka suurad xumeeyay, Suuradii iyo muuqaalkii Islaamka dad xumeeyay ayaa jira. Maxay sidaa u leeyihiin?. Waxaa weeye Nabigeenna Maxamed (NNKH) wuxuu na amray in salaanta la faafiyo oo muslimka isa salaamo waana Shey Diini ah.
Sidee loogu soo celin karaa Bulshada Soomaaliyeed kalsoonida kalmadaha Diinteenna suuban ee kooxdu sida qaldan u isticmaaleen?. Sheekh Cabdisalaan Sheekh Muuse ayaa weydiinay Suโaashaasi?.
โ Waxaa weeye, soddon iyo dhowr sano oo bur bur iyo baabaโ ayaa dalka soo maray, Ilaahey waxaan ka rajeyneynaa Dowlad cadaallad ah, waliba Diinta ku xukunta oo wanaagsan, rabbi inuu na siiyo, taas ayaa rabnaa, waxa weeye fowdada Ilaahey ma jecla, waxaa la rabaa dadka Diinta aqoonta u leh in Diinta lagala tashado in wax laga weydiiyo, nin jaahil ah oo aan Diinta aqoonin in wax laga weydiiyo ma ahan,โ.
Inta aan soo sheegnay kaliya ma ahan, Kalmadaha ay Khawaarijtu qaladka ka fahamsan yihiin ee dhanka Diinta ee waxaa jira dhaqamo kale oo astaan u ah Diinta Islaamka sida sunada garka oo ah sunada Nabigeenna Maxamed (NNKH) iyo surwaalka oo la gaabiyo.
โ Sunada nabiga ayay ka mid tahay in la isa salaamo, garka in la sii daayo, in la is booqdo,โ ayuu yiri Sheekh Cabdisalaan Sheekh Muuse.
Salaanta waa wax qaali ku ah dadka agtooda. Waxayna ka mid tahay waxyaalaha bulshada isku soo dhaweeyo, qalbi-goodana ka yeelo kuwa xalan (macnaha saafi ah).
Sidoo kale, Nabigeena Muxamed Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa haโahaatee ayaa ku booriyay dadka muslimiinta ah muhiimadda ay leedahay in salaanta la badiyo si Bulshada isku jeclaato.