Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: QM oo garab istaag u muujisay Dowladda Soomaaliya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > QM oo garab istaag u muujisay Dowladda Soomaaliya (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

QM oo garab istaag u muujisay Dowladda Soomaaliya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 11, 2023
14 Min Read
Share

Qaramada Midoobay sida saxda ah waxaa lagu magacaabo “Ururka Qaramada Midoobay”, waa urur caalami ah oo ka dhexeeya Dalalka Adduunka, kaasi fadigiisu yahay caasimada New York ee cariga Maraykanka. Ururka Qaramada Midoobay waxa la aasaasay Oktoobar 24-keedii, sanadkii1945-kii, si loogu badalo ururkii ka horeeyay ee “Midowga Ummadaha” (League of Nations). Ujeedada iyo hadafka Qaramada Midoobay wuxuu ahaa in uu ka shaqeeyo xiriirka wadanada xubnaha ka ah iyo in uu ka hortago dagaal ka qarxa wadanada caalamka.

Qaramada Midoobay waxaa lagu bilaabay heshiiska 51 Dal, laakiin sanadii ka dambeeyay ururku wuu balaartay waxaana maanta xubin ka ah 193 wadan. Qaramada Midoobay waxaa maanta fadhi u ah caasimada New York, wadanka Wadanka Maraykanka, wuxuuna xafiisyo waawayn ku leeyahay meelo kale oo dunida ah, sida Xafiiska Geneva, Xafiisa Nairobi iyo xafiiska Vienna. Ururka waxaa maalgeliya dhaqaale qiimaysan oo uu ka helo wadanada xubnaha iyo deeq caalami ah oo ka soo gasha wadanada qaar, ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay. Waxaana ka mid ah hadafka Ururka Qaramada Midoobay inuu ka shaqeeyo nabad caalami ah, amniga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, daryeelka bulshooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha, ilaalada deegaanka, fidinta gargaarka dagdaga ah ee meelaha ka dhacaan Abaaro, musiibo dabiici ah iyo colaada.

Wakhtigii uu socday dagaalkii 2-aad ee Dunida ayaa Madaxweynihii Maraykanka Franklin D. Roosevelt soo jeediyay in la aas aaso urur bedela Midowga Umadaha, waxaana la bilaabay qoritaanka Dastuurka Qaramad Midoobay kadib markii la galay shirweyne dhacay intii u dhaxaysay Abril–Juun 1945-kii; wuxuuna dastuurkani hirgalay bishii Oktoobar 1945-kii, wakhtigaasi oo Qaramada Midoobay howl bilowday. Hadaba ujeedada iyo jiritaanka Qaramada Midoobay wuxuu shaki galay wakhtiyadii Dagaaalka Qaboow uu socday, kaasi oo u dhexeeyay labo awoodood ee Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti iyo xulafadooda. Si kastaba ha ahaatee ururku wuxuu kaalin libaax ka qaatey faragalintii “Dagaalkii Labada Kuuriya” iyo “Howlgaladii Koongo”.

Xubnaha ururku aad ayay u koreen wixii ka dambeeyay sanadihii 1960-kii wakhtigaasi oo wadamo badan xorriyada qaateen, wixii ka dambeeyay Dagaalkii Qaboobaa Ururka Qaramada Midoobay wuxuu bilaabay inuu talaabo milatari qaado, kuwaasi oo isbedel la taaban karo ka gaaray. Guud ahaan Qaramada Midoobay waxay ka kooban tahay lix waaxood: Golaha sare (oo ah waaxda maamulka guud gacanta ku heysa); Golaha Amniga (waaxdani waxay go’aamisaa xalka ammaanka iyo nabada); Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECOSOC) (waaxdani waxay ku shaqo leedahay dhiirigelinta iyo horumarinta dhaqaalaha caalamka iyo horumarka bulshooyinka); Golaha Xogheynta (waaxdani waa maamulka iyo soo ururinta akhbaarta iyo macluudka Ururka Qaramada Midoobay u baahan yahay); Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga ah (sidoo kale loo yaqaano Maxkamada Aduunka, waa waaxda u qaabilsan cadaalada); iyo Golaha Kalsoonida (United Nations Trusteeship Council) midkaasi ma uusan shaqaynin tan iyo 1994-kii, iyadoo Shirkii ugu horeeyay ee Golaha Sare wuxuu qabsoomay 10-kii Janaayo 1946-kii, wuxuuna ka qabsoomay magaalada London,  waxaa kaloo iyaguna kulankii ugu horreeyay yeeshay Golaha Amniga Ururkii [Midowga Wadanada]] wuxuu si sharci ah u baaba’ay 18 Abril 1946 waxaana hadafkii iyo mashaariicdiisii lagu wareejiyay Qaramada Midoobay.

HOWLAHA WAXQABAD EE HAY’ADAHA QM EE SOOMAALIYA EE  BISHII MAARSO 2023-ka

Beni’aadanimada | OCHA oo isku dubba-rideysa gurmadka beni’aadanimo ee Laascaanood:-Hay’adaha gargaarka ayaa dar dar geliyey dadaalladooda gacansiinta dadka ay saameeyeen colaadaha  Laascaanood. Hay’adda OCHA ayaa isku dubba-riddey gurmadka goobaha ay gaari karaan howlwadeennada arrimaha bini’aadannimada. Waxaa intaa dheer, Isku-Duwadaha  Gargaarka  bini’aadannimada ayaa kaydka Sanduuqa Gargaarka Bini’aadannimo ee Soomaaliya uga fasaxay qoondada gurmadka naf badbaadinta ee Laascaanood.

Gurmadka abaaraha | WFP ayaa qaybisay qamadi qayb Hindisaha Badarka ee Badda Madow :-Hay’adda WFP ayaa qamadi ka yimid Yukrayn  ku qaybisay dhowr magaalo oo ka tirsan Soomaaliya taasoo ay qayb ka tahay sare u qaadidda macaawinada raashinka ee naf badbaadinta ah, si looga jawaabo abaarta iyo gaajada ba’an ee taariikhiga ah ee saamaysay dalka.

Qamadiga oo ka koobnaa shixnad gaaraysa 25,000 oo tan oo ay WFP, oo gacan ka heleysa deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn, ay ku guulaysatey inay dalka keento, wuxuuna qayb ka yahay  Hindisaha Badarka ee Badda Madow. Marinkan gargaar ee badda ah ayaa muhim u ah in la daboolo baahiyaha dadka ugu nugul ee ku sugan Soomaaliya iyo dunida inteeda kaleba..

Maciishadda | UNHCR oo Mashruuc Kalluumeysi ka bilaabeysa Boosaaso:-Bishii Maarso, UNHCR ee Boosaaso ayaa 18 doonyood iyo agabka kalluumeysiga ku wareejisay 18 kooxood – 90 qof – oo isugu jira qaxooti, ​​barakacayaal iyo bulshooyinka martida loo yahay. Intaa waxaa dheer, iyadoo lala kaashanayo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO), UNHCR waxay u tababartay ka-faa’iideystayaasha xirfadaha kalluumeysiga.

Horumarinta kalluumeysiga ee goobaha qaxootiga waxay kor u qaadi kartaa fayo-qabka bulshooyinka martida loo yahay iyo qaxootiga labadaba. Kalluumeysigu waxa uu keeni karaa nolol xasilloon iyo helitaan kheyraad si loo kordhiyo dakhliga lacagta caddaanka ah ee lagama maarmaanka u ah cuntada iyo soo-saarka dakhli dheeraad ah.

Magaaleynta | UN-Habitat oo taageertay  Istaraatiijiyada Magaalada Baydhaba:-UN-Habitat iyo UNDP oo Dowladda Hoose ee magaalada Baydhabo  ka  taageeray dajinta  Istaraatiijiyada Magaalada Baydhaba, Magaalgu waxa ay qaabishaa tiro badan oo barakacayaal, dad soo laabta, qaxooti, iyo soo galooti kaleba ah, waxaana jira baahi loo qabo in la horumariyo xaaladaha nolosha ee bulshooyinka uu barakacu saameeyey, oo ay ku jiraan bulshooyinka deegaanka, Istaraatiijiyadeedana waxa ay hagi doontaa horumarrada laga sameeyo dhammaan qeybaha magaalaynta xowliga ku socda ee kobaca magaalada. Tan waxaa qeyb ka ah kaabayaal loo sameeyo bulshooyinka degaanka iyo barakacayaashaba.

Deegaanka | UNDP oo Soomaaliya ka taageertey qorista sharciga cusub ee Maareynta Bii’ada:-Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u meelmariyey Hindise Shariciyeedka Maareynta Deegaanka ee ay soo diyaarisey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyadoo ay Hay’adda UNDP iyo Hay’adda Bii’ada Adduunka ku bixiyeen taageero maaliyadeed iyo mid farsamaso. Sharcigan ayaa hadda loo gudbiyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Haddii la meelmariyo, waxa uu dhabbaha u xaari doonaa qoondaynta iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, kor u qaadida barwaaqada iyo amniga malaayiin duurjoog ah, xoolo-dhaqato ah iyo bulshada Soomaalida qeybaheeda kala duwan.

Sarreynta Sharciga | UNOPS waxa ay Midowga Yurub iskaashi kala yeelanaysaa taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya:- UNOPS Soomaaliya ayaa waxay is-afgarad la saxiixatay bahwadaag Soomaaliyeed si loo fuliyo xirmo taageero oo uu Midowga Yurub maalgeliyay oo loogu talagalay ciidamada ammaanka Soomaaliya. Iskaashigan ayaa suntaya tallaabo muhiim ah oo ku aaddan gaaridda Soomaaliya oo xasiloon oo ammaan ah, iyadoo khibradda UNOPS ay u leedahay maamulka iyo hirgelinta mashaariicda ay muhiim u tahay xaqiijinta in si guul leh loo gaarsiiyo xirmada taageerada ee Midowga Yurub. Taageerada la kordhiyay ee Midowga Yurub ayaa horraanba saameyn weyn ku soo yeelatay dhulka, iyadoo qalab casri ah iyo qalab isgaarsiineed oo wanaagsan la siinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Baarista dambiyada | IOM waxa ay Soomaaliya ka taageertay wax ka qabashada dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba:- Saraakiisha xuduudaha iyo kuwa ku takhasusay baritaaridda sharciga ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kulmay magaalada Machakos ee dalka Kenya, bishii Febraayo aqoon-kororsi ay soo qaban qaabisay hay’adda IOM, oo looga hadlay hab-dhaqanka wadajirka ah ee wax looga qabanayo dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba. Nidaamyada xadidan ee maaraynta xuduudaha iyo soohdimaha gobolka ee sida weyn u furan ayaa u saamaxay kooxaha dambiilayaasha iyo kooxaha xagjirka ah inay ka ganacsadaan hubka sharci darrada ah iyo daroogada iyaga oo aan ka baqayn dacwad oogista iyo Isu-wareejin la’aanta dambiilayaasha oo u dhexeeya dalalka.

Iyada oo taageero laga helayo hay’adda IOM, Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ka shaqeynayaan qaab-dhismeed ay wax uga qabtaan dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha. Qaab-dhismeedka cusub ee looga dooday intii uu socday aqoon-is-weydaarsiga, ayaa dajin doona habab cusub, talooyin iyo hab-dhaqanno kor loogu qaadayo iskaashiga labada waddan si looga hortago dembiyada xudduudaha isaga gudba iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya dambiilayaasha.

Maareynta kheyraadka Biyaha | QM waxa ay taageertay nidaamyada habka lagu maareynayo biyaha:- Kooxda Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya iyo dhowr daneeyayaal dheeraad ah ayaa ka qeyb qaatay shaybaarka hoggaaminta ee muddo afar bilood ah oo lagu soo saarayay fikrado iyo qalab cusub oo ku saabsan caqabadaha biyaha ee dalka. Kooxdu waxay qeexday ujeedooyinka hoggaaminta ee seddex nidaam: beddelidda figradaha ku saabsan maareynta kheyraadka biyaha ee u adkeysiga cimilada iyadoo la sii xoojinayo wadahadallada dhinacyada iyo heerarka; tijaabinta barnaamijyada wadajirka ah; iyo horumarinta hab ‘yaree dhibaatada deegaanka’ ee dadaallada bini’aadannimo ee xsaradaha biyaha.

Haddaba innaga oo og in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya wax weyn u qabatay laga soo bilaasbay Dhicitaankii Dowladdii Dhexe sanadkii 1991-kii, ayaa waxay Dalka ka dhacay abaaro iyo colaado sokeeye, kaasi oo sababay in ay dilaacdo Macluul iyo nafaqo darro baahsan, markii kadib ayay u timid samatabixin sanadkii 1992-kii weyna samata bixisay, saaka Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr: António Guterres, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada, wuxuuna kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kulanaasi oo miro-dhal ahaa, kana dhacay Qasriga Madaxtooyada, waxayna u aheyd Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqasho taariikhi ah ee uu ku yimid dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya, wuxuuna soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta, isagoo dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaasi oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”, ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalka, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Xogahaye António Guterres ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka, wuxuuna si weyn ugu nuuxnuuxsaday inuu Soomaaliya u yimid inuu garab istaag u muujiyo dadaalada ay ugu jirto dib u soo nooleynta qabka Dowladnimo iyo dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagixisada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Qorshaheennu waa in dalka laga qaado Cuna-qabataynta hubka ee na saaran in ka badan 31 sano. Waxaan qabnaa in ay tahay xilligii saxda ahaa ee Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka”.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka KGS Kadib markii saakay uu kulamo kula yeeshay Magaalada Muqdisho Madaxda ugu sarreysa Dalka, iyadoo socdaalka Xoghayaha iyo wafdigiisa uu ujeedkoodu yahay in ay soo indha indheeyaan xaaladda Bin’aadanimo ee ka jirta deegannada Maamulka Koonfur Galbeed, waana booqashadiisa labaad ee uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ku yimaado Dalka Soomaaliya, isagoo yimid bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxkamadda Ciidamada qaybta Koonfur galbeed oo xukun dil ah ku fulisay xubno hore dilal u geystay

Baydhabo(SONNA):-Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo…

GudahaWararka
October 21, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Ankara

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalkaTurkiga, halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa…

GudahaWararka
March 27, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran

Baku(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya maanta oo Jimce ah kula…

GudahaWararka
July 25, 2025

Wasiirka Amniga XFS oo Doha kula kulmay wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Qatar

Doha(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa dalka Qadar kulan kula la qaatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadankaas…

GudahaWararka
October 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023