Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Qisada Hooyo Leyla Cali oo dhibane u ah Khawaarijta Al-shabaab (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Qisada Hooyo Leyla Cali oo dhibane u ah Khawaarijta Al-shabaab (Warbixin).
Maqaallada

Qisada Hooyo Leyla Cali oo dhibane u ah Khawaarijta Al-shabaab (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 27, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Leylo Cali Xidir, waa Hooyo Soomaaliyeed oo leh lix carruur ah, Wiil iyo Shan Gabdhood, waxay ka mid tahay hooyooyinka Soomaaliyeed ee dhibaatada kala kulmay kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Waxay dileen saddex wiil oo la dhalatay iyo seygeeda, sanadkii 2009, hooyo Leylo Cali waxay gacanta Al-shabaab ku weysay walaalkeed ka weyn, curudkii Aabaheed iyo hooyadeed Cabdi Cali Xidir oo ay Khaawrijtu ku dileen isgoyska Bakaaraha.

“ Walllaahi wiil ila dhashay ayay dileen markii ugu horeysay,waxay ku dileen isgoyska Bakaaraha,waa waqtigii aas-aaskooda soo bilaabanayay 2009kii, bishii shanaad, wuxuu ahaa ciidankii lagu soo tababarayay itoobiya waqtigii AUN Cabdullaahi Yuusuf,”.

18-maalin ka dib, Leylo oo aysan ka bixin Murugadii walaalkeed,curudkii Aabaheed Cabdi Cali, waxaa markale soo gaartay geerida walaalkeed Siciid Cali Xidir oo ahaa oo curudkii labaad ee Aabaheed, walaalkii labaad oo ay weysay maalmo uun ka dib markii godka la geeyay Cabdi.

“ Kan xiga waa walaalkey ila dhashay da’dii iga yareyd waaye, waxaa lagu dilay Shabeellaha hoose, isagoo Dowladda u shaqeynayo oo shaqo ku jiro, waxaa lagu dilay meel Afgooye ka xageyso oo la yiraahdo Doolka,” ayay tiri hooyo Leylo.

Shan sano ka dib, Leylo ka dib geerida walaalaheed Siciid iyo Cabdi, waxa ay la kulantay xanuun kale oo aan ka liidan kuwii hore, 2014kii bishii 3-aad, xanuunkii saddexaad oo ay Leylo Cali u geysteen kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa ah in ay agoon ka dhigeen wiil iyo shan gabdhood oo ay u heysay Leylo Alle ha u naxariistee Cabdi Maxamuud Xuseen oo ahaa askari ka tirsan Ciidamada Xoogga.

“ Ilmaheyga Aabahoodna waxaa la dilay 2014kii, bishii saddexaad Maarso, isagoo shaqo u sii socdo ayaa la dilay qorigana laga qaatay,wuxuu ka tirsanaa ciidamadii lagu soo tababaray Uganda, adduunyo waxaan la arkeyn malahan, waxaan dareemay xanuun aad iyo aad u badan, waxaa iigu darneyd habeenkii la soo duugay ilmahaas Aabahood, canug yar oo saddex bilood jirtaa ii joogtay,”.

Waxaa u soo xigtay xanuun kale, waxa ay weysay qof kale oo muhiim u ahaa Leylo, kaa oo wehel ay ka dhigatay markii ay weysay Alle ha u wada naxariistee walaalaheed Cabdi, Siciid iyo Seygeeda, markale, gacanta Khawaarijta waxay ku weysay Alle ha u naxariistee, Bile Cali Xidir, oo marnaba aan waligii qaadin qori, wuxuu ahaa mid u xamaala carruurtiisa iyo kuwa agoont ah ee walaashiisa Leyla, balse, Khawaarinta oo ah kuwo aanan lahayn wax naxariis ah, ayaa si bareer ah u toogtay Bile.

“ Waxaa ku soo xigay mid kale, gacantooda ayuu ku baxay isagana iyagaa dilay, Cali Kamiin ayay ku dileen, isagoo iska xamaalanayo,iska socdo askari ma ahayn, ayay beegsadeen oo ay dileen waagii madax jabiska uu jiray,”.

Leyla, saddexdii wiil ee la dhalatay Siciid, Bile, Cabdi iyo Seygeedaba markii ay weysay waxa ay ku cidlootay korinta lix carruur ah oo ay agoon ka dhigeen Khawaarijta Al-shabaab, waxayna maaliba, maalinta ka dambeysay ay la daala dhaceysay korinta carruurteeda oo ay ku cidlootay.

“ Walaahi aniga hadda hooyadeyna waa joogtaa, walaalaheyna waa joogaan, laakiin muhiimadda waa ani, anigaa u baxo, anigaana u imaado, cid kale oo hadda ay ku tiirsan yihiin noloshooda iyo waxbarashadooda hadda oo intii hore ka waa weyn yihiin cid kafaala qaaday ma jirto, aniga unbaa waxbarashadooda iyo noloshooda kale kafaala qaaday,”.

14-sano, Leyla ayaa dib ugu soo laabatay Galcad, Maqaayaddii ugu horeysay ayay ka furtay deegaankan, waa meel xusuus badan ay ku tabeyso, marnaba ma aysan ka niyad jabin, halkii ay ku dhalatay oo ay ku guursatay kuna dhasay lix carruur ah.

“ Hadda gurigeyga lix bilood ayaa ka maqanahay, Lix bilood Xamaraa deganahay, lix bilood deegaankan Galcad oo aan taaganahay kuna dhashay ayaa joogaa, 2009kii, markii wiilka ku dileen meeshan subaxii ka dambeysay ayaa baabuur ka raacay ka dib uma soo laaban, wax badan oo aan nool ayaa ku haminayay inaan Galcad mar un tago, oo anigoo caafimaad qabo aan tago,”.

Qoysas badan ayay Khawaarijtu sabab u noqotay in ay dunida ku kala fogaadaan, waana sababta qof kasta uga qoomameyn la dagaallanka Khawaarijta qowleysatada ah ee khaarijiyay ama qashay Qoysas badan oo si farxad leh dunidan ugu noolaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Argagixisada dhibaatada adag ku haysay dalka muddooyinkan waxay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay howlgallada socda oo ay iska…

Maqaallada
April 12, 2023

Xog muhiim ah oo ay soo saartay UNICEF

Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona Virus oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii…

MaqaalladaWararkaWargayska
March 16, 2020

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa…

GudahaMaqaallada
March 28, 2021

Khawaariijta oo dab qabadsiiyey deegaan ku yaalla koonfurta gobolka Mudug

Muqdisho(SONNA):-Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa tacadiyo aad u fool xun u geystay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay ku xad gudbeen xurmada naf,…

MaqaalladaWararka
March 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023