Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Horjoogayaasha khawaariijta oo wajahaya cabsi daran ka dib markii ay korortay tirada dhalinyaradda isu soo dhiibaysa dowladda Soomaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Horjoogayaasha khawaariijta oo wajahaya cabsi daran ka dib markii ay korortay tirada dhalinyaradda isu soo dhiibaysa dowladda Soomaliya
MaqaalladaWararka

Horjoogayaasha khawaariijta oo wajahaya cabsi daran ka dib markii ay korortay tirada dhalinyaradda isu soo dhiibaysa dowladda Soomaliya

By SB
Last updated: February 25, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxaha khawaariijta ee arxanka daran ayaa maalin ba maalinta ka dambaysa laga soo xirayaa waddooyinkii halaaga iyo hadimada badnaa ee ay shacabka Soomaaliyeed ku dhagri jireen,kooxahan naf la caariga ah ayaa haatan dantu ku khasabtay in ay ku dhuumaalaystaan godad ay ka qoteen dhulka hoostiisa korkana ay kaga sii dabooleen geedo iyo baco.

Wadooyinka hadimada badan ee kooxahan khawaariijtu adeegsan jireen lagana so af jaray ayaa waxa ka mid ahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo fikirka,dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ku qaaday ilihii dhaqaalaha ee kooxaha khawaariijta sidoo kale culima’udiinka Soomaalyeed iyo bulshadda waxgaradka ah ayaa dagaal culus ku qaaday fikirka khaldan ee kooxda khawaariijtu fidin jirtay taas oo ay ku dhagri jireen dhalinyaradda Soomaaliyeed kagana lumin jireen dariiqa saxan si ay ugu adeegsadaan dannahooda gurracan ee dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa shirka dib u heshiisiinta koonfur-galbeed waxa uu kaga dhawaaqay in dowladda Soomaliya cafis u fidisay dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaariijtu isagoo ugu baaqay in dhalinyaradda soomaaliyeed kasoo laabtaan fikirka xagjirka” Dowlad ayaad haystaan,idin taageeraysa noloshiina damaanad qaadaysa nolol iyo shaqooyin idiin abuuraysa ka soo laabta fikirka xagjirka ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha golaha shacabka  ayaa isaguna sheegay in sidii hore ba madaxweynuhu ugu dhawaaqay dhalinyaradda kasoo laabata fikirka gurracan isla markaana maqla baaqa madaxweynaha iyo baaqa culimadda la cafin doono,loona samayn doono nolol iyo mustaqbal,isagoo dhanka kale sheegay in qofkii Khawaarijta Al-Shabaab in uu ku jiro ku adkeysto in ciidanka qaranku waajibaadkooda ka gudan doonaan kana hor istaagi doonaan dhagarta ay la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Hadda ba intii dowladda Soomaliya ku dhawaaqday in la cafin doono cid kasta oo kasoo laabata fikirka gurracan ee xagjirka waxa tiro tiro iyo tarab tarab isu soo dhiibay dhalinyaradii ay lumiyeen kooxaha khawaariijtu iyagoo ka faa’iidaysanaya cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda,gobolada Hiiraan,Galmudug,Shabellaha dhexe,shabeellaha hoose,Baay iyo Bakool,Banaadir iyo Jubbaooyinka ayey iska soo dhiibeen dhalinyaradii ugu badnad ee hore ugu kadsoomay fikirka gurracan ee kooxaha khawaariijtu iyagoo ka faa’iidaysanaya cafiska dowladda,tan oo ka dhigan in uu gabi ahaan ba burburay darbigii ay kala dhex dhigeen dowladda Soomaliya iyo dhalinyaradii ay khaldeen.

Dhalinyaradda tirada badan ee isa soo dhiibaysa iyagoo kasoo laabanaya fikirkii gurracanaa ee khawaariijta ayaa albaabada isugu laabtay rejo kasta oo sii jiritaan oo ay qabeen horjoogayaasha sare ee khawaariijtu waxay na god dheer ku riday damacoodii bahalnimada ahaa oo rabeen in ay kusii haligaan ummada Soomaaliyeed,kooxaha khawaariijta oo dareemay xanuunka ay leedahay in ay garbahooda ka baxayaan dhalinyaro ay hore u khaldeen ayaa bilaabay in ay dhalinyaradda ugu hanjabaan in ay dili doonaan hadii ay isu dhiibaan dowladda balse dheg uma dhigin dhalinyaradda kasoo laabanaysa fikirka xagjirka.

Dhinaca kale dhalinyaradii isu soo dhiibay dowladda helay na fursad ay ku harsadaan harka dowladnimada ayaa baaq u diray dhalinyaradda dhigooda ah ee weli kusii harsan fikirka xagjirka in ay ka faa’iidaystaan cafiska dowladda mid ka mid ah dhalinyaradda dowladda isu soo dhiibay oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda si wacan u soo dhowaysay si wacana loola dhaqmay”meesha aan ka imid iyo meesha aan maanta joogaa waa kaaf iyo kala dheeri,saaxiibadda weli kusii harsan fikirka xagjirka waxa ugu baaqayaa in ay isaga soo tagaan”ayuu yiri.

Taliyaha ciidanka xoogga dhulka Generaal Biixi ayaa yiri”ninkii isu soo kaaya dhiiba ma dilayno,wax culays ah ama dhibaato ah oo uu arki doonaana ma jirto”wax aan idiin ku baaqayaa isu soo dhiibaa dowladdiina iyo dadkiina Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Taliye Biixi dhalinyaradda weli kusii harsan gacanta kooxaha Khawaariijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlaamka Federaalka oo ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka…

Wararka
December 31, 2019

Olole nadaafadeed oo  todobaadkii 15-aad ka socda xeebta Liido

Olole nadsaafadeed oo ay soo abaabuleen kooxo dhallinyaro ah ayaa todobaadkii 15-aad ka socdo xeebta Liido ee magaalada udisho.  Ololahaan…

Gudaha
January 7, 2023

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah

Muqdisho (SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin…

GudahaWararka
April 29, 2023

Guddoomiyaha aqalka sare oo kormeer ugu tagay guddiga madaxa banaan ee Dastuurka

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo maamta kormeer ugu tagay guddiga madaxa banaan…

GudahaWararka
August 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023