Muqdisho (SONNA)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in guryo ka wanaagsan hoyga ay hada ku jiraan loo dhisayo qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaiyeed ee ku jira xerada Melkadida ee dalka Itoobiya .
Hay’adda UNHCR xafiiskeeda Itoobiya ayaa sheegtay in talaabadan ay tahay mid muhiim ah oo caawin doonta qaxootiga oo dhibaato dhanka hoyga ah ay heysay.
Tirakoobkii ugu danbeeyay oo ay hay’adda qaxootiga adduunka UNHCR soo saarto ayaa lagu sheegay in dadka qaxootiga ee Soomaaliyeed ay gaarayaan in ka badan 34,000.