Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobonimada Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobonimada Soomaaliya
GudahaWararka

Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobonimada Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: January 2, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Golaha Wasiirrada Xukuummadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shirkiisa aan caadiga ahayn ee lambar: SHGW058.01.2024 ee qabsoomay 02 Janaayo 2024, uuna shir guddominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda JFS waxay soo saareen qaraar ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya ee gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 1and faqradihiisa 1 iyo 2 ee Dastuurka JFS ee dhigaya in Soornaaliya tahay Jamhuuiryad Federaal ah oo dimoqraaddi ah ayna gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay laguma- xadgudbaan.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 7 faqradiisa 1 ee Dastuurka oo xeerinaya “Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo koobeysa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobbada 53ad iyo 54 ee Dastuurka oo siinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya xaq awoodeed ee gelista heshiisyo caalami ah gaar ahaan arrimaha la xiriira siyaasadda Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha, Difaaca, iyo Amniga.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 51 faqradiisa 4 ee Dastuurka oo dhigaya “Dhammaan heerarka Dowladda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, iyada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 2d faqrada 4 ee Axdiga Qaramada Midoobay ee ku saabsan laguma xadgudbaannimada madaxbaanaannida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dal iyo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramaha Midoobay ee tirsigiisu yahay 2625 oo xeeriyay “Dalna uma isticmaali karo in uu dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, ciidan ahaan, ama ficil kasta oo ku khasbaya dal kale in uu maquuniyo xuquuqdiisa madaxbannaanida si looga faa’ideysto.”

MARKII AY ARKEEN:

Mabaadii’da sugaya xurmada gobonnimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika ee lagu xeeriyay Axdiga Ururka Midowga Afrika “OAU” iyo Xeerka Dhismaha Midowga Afrika “AU” ee 2002 iyo midka Urur Gobolleedka IGAD.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo saartay qaraarka soo socda:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diideysaa, isla markaana si cad uga soo horjeeddaa tallaabada gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku sheegtay in ay si sharcidarro ah heshiis is-afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn kula gashay maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya), taariikh 01/01/2024, Addis Ababa. Sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xeerarka dalka iyo xeerarka caalamiga ah – Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa tallaabadani mid gardarro ah oo halis gelinaysa deris-wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin kala duwan, waxayna xadgudub iyo faragelin qaawan ku tahay madaxbanaannida, gobonnimada, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Waxa lagu sheegay “heshiis is afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn” waa waxba kama jiraan, mana ahan mid ay aqbalayso Dowladda Federaalka Soomaaliya mana laha saldhig sharciyeed.

4. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda Itoobiya uga digeysaa isku day kasta oo xadgudub ku ah gobonnimada, madaxbannaanida, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee ay qaaday Dowladda Itoobiya waddo kasta oo sharci ah.

5. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ficilka Itoobiya u aqoonsatay in uu yahay gardaro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6. Dowladda Soomaaliyeed oo ku tiirsan awoodda shacabkeeda waxay diyaar u tahay waajibna ka saaran yahay difaaca, ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeeda.

7. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada kale ee daneeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka iyo caalamka, iyagoo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisan yihiin, gudanayana waajibaadkii loo aasaasey in ay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed, kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay ku soo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

8. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbanaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo deg deg ah si looga arrinsado xadgudubka iyo faragelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbanaannida iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

9. lyadoo arrintan laga jawaabayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la tashi degdeg ah ugu yeeraysaa safiirkeeda dalka Itoobiya.
Ugu dambeyntii Xukuumadda JFS waxay soo saareysaa amarrada munaasibka ku ah ilaalinta qaranimadeeda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah, dhammaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa la farayaa in ay u istaagaan fulintooda.

Wabillaahi Tawfiiq

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee xafladdii abaalmarintta hoggaamineed (CONCORDIA)

New York.(SONNA)...Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii…

Wararka
September 24, 2019

Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay madasha Ganacsiga caalamiga ah ee Shiinaha (CIFTIS)

Beijing,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad ka jeediyay madasha adeegga Ganacsiga Caalamiga ah ee…

GudahaWararka
September 6, 2023

Jadwalka doorashada Shan kamid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Muqdisho(SONNA)-Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha…

GudahaWararka
February 7, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf oo ku guuleystya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho ka dhacday…

GudahaWararka
February 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023