Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobonimada Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobonimada Soomaaliya
GudahaWararka

Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobonimada Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: January 2, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Golaha Wasiirrada Xukuummadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shirkiisa aan caadiga ahayn ee lambar: SHGW058.01.2024 ee qabsoomay 02 Janaayo 2024, uuna shir guddominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda JFS waxay soo saareen qaraar ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya ee gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 1and faqradihiisa 1 iyo 2 ee Dastuurka JFS ee dhigaya in Soornaaliya tahay Jamhuuiryad Federaal ah oo dimoqraaddi ah ayna gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay laguma- xadgudbaan.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 7 faqradiisa 1 ee Dastuurka oo xeerinaya “Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo koobeysa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobbada 53ad iyo 54 ee Dastuurka oo siinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya xaq awoodeed ee gelista heshiisyo caalami ah gaar ahaan arrimaha la xiriira siyaasadda Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha, Difaaca, iyo Amniga.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 51 faqradiisa 4 ee Dastuurka oo dhigaya “Dhammaan heerarka Dowladda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, iyada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 2d faqrada 4 ee Axdiga Qaramada Midoobay ee ku saabsan laguma xadgudbaannimada madaxbaanaannida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dal iyo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramaha Midoobay ee tirsigiisu yahay 2625 oo xeeriyay “Dalna uma isticmaali karo in uu dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, ciidan ahaan, ama ficil kasta oo ku khasbaya dal kale in uu maquuniyo xuquuqdiisa madaxbannaanida si looga faa’ideysto.”

MARKII AY ARKEEN:

Mabaadii’da sugaya xurmada gobonnimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika ee lagu xeeriyay Axdiga Ururka Midowga Afrika “OAU” iyo Xeerka Dhismaha Midowga Afrika “AU” ee 2002 iyo midka Urur Gobolleedka IGAD.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo saartay qaraarka soo socda:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diideysaa, isla markaana si cad uga soo horjeeddaa tallaabada gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku sheegtay in ay si sharcidarro ah heshiis is-afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn kula gashay maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya), taariikh 01/01/2024, Addis Ababa. Sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xeerarka dalka iyo xeerarka caalamiga ah – Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa tallaabadani mid gardarro ah oo halis gelinaysa deris-wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin kala duwan, waxayna xadgudub iyo faragelin qaawan ku tahay madaxbanaannida, gobonnimada, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Waxa lagu sheegay “heshiis is afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn” waa waxba kama jiraan, mana ahan mid ay aqbalayso Dowladda Federaalka Soomaaliya mana laha saldhig sharciyeed.

4. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda Itoobiya uga digeysaa isku day kasta oo xadgudub ku ah gobonnimada, madaxbannaanida, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee ay qaaday Dowladda Itoobiya waddo kasta oo sharci ah.

5. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ficilka Itoobiya u aqoonsatay in uu yahay gardaro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6. Dowladda Soomaaliyeed oo ku tiirsan awoodda shacabkeeda waxay diyaar u tahay waajibna ka saaran yahay difaaca, ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeeda.

7. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada kale ee daneeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka iyo caalamka, iyagoo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisan yihiin, gudanayana waajibaadkii loo aasaasey in ay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed, kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay ku soo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

8. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbanaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo deg deg ah si looga arrinsado xadgudubka iyo faragelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbanaannida iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

9. lyadoo arrintan laga jawaabayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la tashi degdeg ah ugu yeeraysaa safiirkeeda dalka Itoobiya.
Ugu dambeyntii Xukuumadda JFS waxay soo saareysaa amarrada munaasibka ku ah ilaalinta qaranimadeeda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah, dhammaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa la farayaa in ay u istaagaan fulintooda.

Wabillaahi Tawfiiq

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasime Ku-xigeenka Hayโ€™adda Socdaalka oo kormeer shaqo ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Agaasime Ku-xigeenka Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Kornayl Cabdifitaax Ibraahim Shaaweeye oo uu kormeerkiisa shaqo ku wehliyey Agaasimaha Waaxda…

GudahaWararka
July 29, 2021

Wasaaradda difaaca XFS oo marti gelisay kulan looga hadlayo illaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa marti gelisay Kulanka seddax Billood ah ee looga hadlaayo illaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha. Wasiiru dowlaha…

GudahaWararka
February 12, 2025

Golaha Aqalka Sare oo markale sii wada maanta ka doodisata xeer hoosaadka Golaha

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Abdi Hashi Abdullahi oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa…

GudahaWararka
January 9, 2023

Puntalnd: Dhaqaatiir loo diray gobolka Sool

Garoowe -(SONNA)-ย  Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey ย deegaanka Saaxdheer ee Koonfurta gobolka…

Wararka
January 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023