Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 25, 2025
7 Min Read
Share

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan kala Saxiixday heshiisyo muhiim ah, kuwaasi oo ku qotoma wax wada qabsi, sidaasi awgeed ayay labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, iyadoo kulankaasi labada Madaxweyne ay isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed, taasi oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka Waxbarashada heshiisku waxa uu qorayaa in Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif ay kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada Ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

โ€œWaxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga goโ€™an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.โ€ Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabad qalin jabin oo ka dhacday Muqdisho

Aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar bay u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta heyโ€™addaha dowladda, si taasi looga miro-dhaliyana waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka wax bartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiska kale ee ay kala saxiixdeen Wasiirradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saabsanaa in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed, waxayna Labada Dowladood ka wada hadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari lahaa culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka, iyadoo la xasuusan yahay in Dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan howshaasi, maadaama ay dalkaasi loo aado arrimo la xariira Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga iyo waliba Dalxiiska.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hayโ€™adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga, iyadoo ay dowladda Masar ay muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Argagixisad, wuxuuna ballan qaaday Madaxweyne Al-Siisi inuu gacan weyn ka qaadan doono ciribtirka kooxda nabad diidka ah.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu horumarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

โ€œWaa maalin kale oo taariikhi ah, muhiimna u ah xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar.Waxaa maanta la saxiixay heshiisyo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh xoojinta iskaashiga labada dal. Labada madaxweyne ayaa qalinka ku wada duugay heshiis muhiim ah oo xiriirka labada dal gaarsiinaya heer iskaashi istiraatiijiyadeed.

Sidoo kale, aniga iyo dhiggeyga dalka Masar ayaa kala saxiixannay labo heshiis oo muhiim ah; midka hore oo ah in dadka wata baasaboorrada diblomaasigaย  ee labada dal laga dhaafo fiisaha, iyo midka labaad oo lla xiriira labada machad ee tababarka diblomaasiyiinta. Heshiisyadan ayaa mid kastaa dawladnimadeena iyo dadkeena u leeyahay qiimo weyn oo gaar ahโ€, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka arrimha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uusan iman Dalka Masar waxauu safar ku tegay dalka Switzerland, intii uu joogayna magaalada Davos ee Switzerland la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, iyadoo Abaalmarintaasi lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya,isagoo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

โ€œAbaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo goโ€™aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeedโ€. Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka iskaadhiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Haddaba waa maxay Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika (Africa Leadership Award)? waxaa arrintan sharaxaya Maxamed Muuse Maxamed, ย โ€œwaa abaalmarin ay bixiso Africa House, oo ah urur ka shaqeeya horumarinta iyo isku xirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo hoggaaminta qaaradda Afrika, waxaana lagu maamuusaa hoggaamiyeyaasha iyo shakhsiyaadka Afrikaanka ah ee ku tallaabsada guulo muuqda oo ku saabsan horumarinta dowladnimada, dhaqaalaha, nabadda, iyo horumarinta bulshada ee dalalkooda iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarintan sannadka 2025-ka, si loogu aqoonsado dadaalkiisa dhanka:

  1. Dowlad-dhiska iyo Dib u Xoreynta: Hoggaaminta dadaallada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda iyo dib u dhiska hayโ€™adaha dowladda.
  2. Hirgelinta Qorshaha Deyn-Cafinta Soomaaliya: Soo celinta xiriirka caalamiga ah iyo ka mira-dhalinta qorshayaasha dhaqaale, taasoo u gogol-xaaraysa in Soomaaliya laga cafiyo deynta caalamiga ah.
  3. Dib u dhiska Ciidamadda: Horumarinta awoodda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka iyo dib u soo celinta kala dambeynta.
  4. Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka: Ka shaqeynta in cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya ay meesha ka baxdo, taas oo fursad noo siineysa in ciidamadeena ay si buuxda aan u qalabeysan karno.
  5. Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC): Hoggaamintiisa ku biirinta Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika, taas oo kor u qaadaysa xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee dalka uu la leeyahay dalalka deriska ah”.

Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika waa mid sharaf weyn u leh Soomaaliya iyo hoggaankeeda, maadaama ay muujinayso in dadaallada ay waddo dowladda lagu aqoonsanayo masraxa caalamiga ah.

Haddaba โ€˜Geesigu waa kan danta dalkiisa iyo dadkiisa ka ganban, cidna uga baqin ee shafka u garaacdaโ€™.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

Brussels(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha…

GudahaWararka
November 21, 2025

Shir ku saabsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka furmay Nairobi

Muqdisho.(SONNA):- Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhammeystirka sharuudaha Barnaamijka…

GudahaWararka
January 15, 2023

Shirkii Guddiga farsamada ee Baydhabo oo laga soo saaray War-saxaafadeed

Baydhabo-(SONNA)-Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka,…

GudahaWararka
February 17, 2021

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la wareegay hogaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika kadib qabsoomidda…

Gudaha
April 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023