Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 25, 2025
7 Min Read
Share

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan kala Saxiixday heshiisyo muhiim ah, kuwaasi oo ku qotoma wax wada qabsi, sidaasi awgeed ayay labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, iyadoo kulankaasi labada Madaxweyne ay isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed, taasi oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka Waxbarashada heshiisku waxa uu qorayaa in Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif ay kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada Ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabad qalin jabin oo ka dhacday Muqdisho

Aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar bay u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taasi looga miro-dhaliyana waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka wax bartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiska kale ee ay kala saxiixdeen Wasiirradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saabsanaa in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed, waxayna Labada Dowladood ka wada hadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari lahaa culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka, iyadoo la xasuusan yahay in Dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan howshaasi, maadaama ay dalkaasi loo aado arrimo la xariira Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga iyo waliba Dalxiiska.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga, iyadoo ay dowladda Masar ay muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Argagixisad, wuxuuna ballan qaaday Madaxweyne Al-Siisi inuu gacan weyn ka qaadan doono ciribtirka kooxda nabad diidka ah.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu horumarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

“Waa maalin kale oo taariikhi ah, muhiimna u ah xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar.Waxaa maanta la saxiixay heshiisyo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh xoojinta iskaashiga labada dal. Labada madaxweyne ayaa qalinka ku wada duugay heshiis muhiim ah oo xiriirka labada dal gaarsiinaya heer iskaashi istiraatiijiyadeed.

Sidoo kale, aniga iyo dhiggeyga dalka Masar ayaa kala saxiixannay labo heshiis oo muhiim ah; midka hore oo ah in dadka wata baasaboorrada diblomaasiga  ee labada dal laga dhaafo fiisaha, iyo midka labaad oo lla xiriira labada machad ee tababarka diblomaasiyiinta. Heshiisyadan ayaa mid kastaa dawladnimadeena iyo dadkeena u leeyahay qiimo weyn oo gaar ah”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka arrimha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uusan iman Dalka Masar waxauu safar ku tegay dalka Switzerland, intii uu joogayna magaalada Davos ee Switzerland la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, iyadoo Abaalmarintaasi lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya,isagoo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed”. Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka iskaadhiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Haddaba waa maxay Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika (Africa Leadership Award)? waxaa arrintan sharaxaya Maxamed Muuse Maxamed,  “waa abaalmarin ay bixiso Africa House, oo ah urur ka shaqeeya horumarinta iyo isku xirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo hoggaaminta qaaradda Afrika, waxaana lagu maamuusaa hoggaamiyeyaasha iyo shakhsiyaadka Afrikaanka ah ee ku tallaabsada guulo muuqda oo ku saabsan horumarinta dowladnimada, dhaqaalaha, nabadda, iyo horumarinta bulshada ee dalalkooda iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarintan sannadka 2025-ka, si loogu aqoonsado dadaalkiisa dhanka:

  1. Dowlad-dhiska iyo Dib u Xoreynta: Hoggaaminta dadaallada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.
  2. Hirgelinta Qorshaha Deyn-Cafinta Soomaaliya: Soo celinta xiriirka caalamiga ah iyo ka mira-dhalinta qorshayaasha dhaqaale, taasoo u gogol-xaaraysa in Soomaaliya laga cafiyo deynta caalamiga ah.
  3. Dib u dhiska Ciidamadda: Horumarinta awoodda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka iyo dib u soo celinta kala dambeynta.
  4. Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka: Ka shaqeynta in cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya ay meesha ka baxdo, taas oo fursad noo siineysa in ciidamadeena ay si buuxda aan u qalabeysan karno.
  5. Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC): Hoggaamintiisa ku biirinta Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika, taas oo kor u qaadaysa xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee dalka uu la leeyahay dalalka deriska ah”.

Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika waa mid sharaf weyn u leh Soomaaliya iyo hoggaankeeda, maadaama ay muujinayso in dadaallada ay waddo dowladda lagu aqoonsanayo masraxa caalamiga ah.

Haddaba ‘Geesigu waa kan danta dalkiisa iyo dadkiisa ka ganban, cidna uga baqin ee shafka u garaacda’.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb.…

GudahaWararka
March 15, 2023

Dekedda oo guul kaga gaartay kooxda Heegan kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

. Muqdisho(SONNA)-Kooxaha Heegan iyo Dekedda fc ayaa galabta kulan xiiso badan kuwada ciyaaray garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐥𝐣𝐞𝐞𝐫𝐢𝐲𝐚

Aljeeriya(SONNA):-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal leh la yeeshay dhiggiisa dalka…

GudahaWararka
June 26, 2025

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada…

GudahaWararka
November 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023