Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtii’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtii’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtii’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 3, 2024
5 Min Read
Share

“Soomaaliya waa xor cidda ay doonto ayay la heshiinee, cidna kala tashameyso, qofna kala tashan doono masiirkeena” sidaas waxaa kl hore yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feeraalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud xilli dowladda Soomaaliay ay iskaashi dhinacyo badan leh ay dhawaan kala saxiixdeen, uuna ka mid yahay midk Militari dowladda Masar oo cadow ay isku yihiin Itoobiya, iyadoo ay Xabashadu cabasho iyo qeylo dhaan badan ka muujisay, waxaana ogsoonahay in xabsgidu ay dhowr wadan u dirtay wufuud, si ay xulufeyso u sameysato, meelihii ay tegtay waxaa ka mid ahaa wadamada Faransiiska, Marooko, Shiinaha iyo kuwo kale, waana ku fashilantay meel marinta damaceeda guracan ee ay wadato.

“Itoobiya waxay ka soo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisanto, islamarkaana yeelato ciidan awood leh.”,  sidaa waxaa yiri:- mudane Daahir Maxamuud Geelle oo horey Wasiir u soo noqday, wuxuuna intaasi raaciyay in Itoobiya ay ka soo horjeeddo isla markaana dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh,  waxaa kaloo xusay  in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar, balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto, kana dhaadhici la’dahay ‘in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax bannaanaan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso’.

“Dagaalka Xabashida Dadkii nooga dhawacmay iyo kuwii nooga dhintay ayaa wali qalbiyeega ku qoran”, sidaasi waxaa si qiiro leh u yiri, mid ka mid ahaa ciidamadii ku soo dhawacmay dagaalkii 1977-kii lala galay Dowladdii Xabashida ee uu markaasi hoggaaminayay Mingiste Xeyle Maryam. “Waqti kasta wuxuu leeyahay Raggiisa; maanta waa maalinteennii, waana qaadaneyna kaalintii aan laheyn, waaxana ku difaceynaa Dalkeyna Af, Muruq, Maal Iyo Maskax, Dhallinyarada maanta waa maalintiina. Innagu waa soo gudanay waajibkeennii, dagaalka gala oo xornimada ilaashada”.

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee kumaandoska Gor-Gor,Dhamme Mustaf Mohamed Husseen oo la hadlayay boqolaal ka mid ah ciidanka kumaandooska Gor-Gor ee xogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay mar walba u taagan yihiin difaaca dalka,ayna u dhaarteen cid walba oo soo damaacisa qaranimada & midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Cadawga Soomaaliyeed innagaa ku filan, kamana yeeleyno cid walba oo soo damaacisa madax bannaanida jamhuuridda Soomaaliya “ayu yiri Taliye
Dhamme Mustaf Mohamed Husseen, wuxuuna ciidanka u sheegay in  ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, cid laga yeelayana aysan jiri xadgudbka ay waddo itoobiya oo si cad u dafirtay Madaxbannaanida Ummadda iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.

“Adiga maxaa lagaaga tashaa?”, waxay Cinwaan u aheyd qormo kooban ee uu qoray Prof. Yaxye Sheekh Caamir, isagoo qormadiisa ku bilaabay in Been la isku sheego lama rabo, Adiga maxaa lagaaga tashaa haddii Ethiopia Dagaal soo qaado?, isagoo iska hadlaaya waxa uu yiri:-

  1. Aniga Haddii la yiraa Gacan ayaa la iskula tagaa oo waa leys feeraa kuma jiro, Odaygu waa tabar yareeyay mana rabo in aan guul daro soo hooyo. Haddii la yiraa waad is qarxinee, taasu waa masalo kale, su’aal Diini ah ayaan ka qabaa.
  2. Safka hore iga raadi haddii la yiraa Hubaa lagu dagaalamaa. Sida AK47 iyo Madaafiicda Goobta, Labadaas aqoon iyo tababar Ciidan ayaan u leeyahay.
  3. Haddii uu jiro hub kale oo isticmaalkiisa deg deg loo bara karo igu tasho, safka hore.
  4. Haddii uu jiro Dagaal Afka ah, Duco, Qaaraan iyo Qur’aan la akhrinaa safka hore.
  5. Haddii Sahan Ciidan, Sirqa dhigoow iyo Arimo Saadka la xiriiro leysku diraa ka seexamaa, safka hore.

Prof. yaxye Sheekh Caamir waxaa kaloo laga hayaa, isagoo Itoobiyaanka fariin u diraaya ayaa waxa uu yiri:- “ Soomaalidu nabadna waa taqaan, colaadna waa taqaan

Soomaalidaa ku maahmaahdo ( Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtii ), ugu dambeyntii waxa uu ku soo qatimiyay qormadiisa“Been ha sheegin, tabar laguugu nici maayo , Adiga oo Allaah ka cabsanaa, Adiga maxaa lagaaga tashaa?”.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho(SONNA):-Hafow Abdulkadir Ibraahim oo Magac afgarashada Khawariijta u taqaan yahay (Saabir ) kana tirsan Nabadiidka Al-Shabaab  ayaa Isku soo dhiibey…

GudahaWararka
September 4, 2023

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo xilka ka xayuubiyay Wasiirkii arrimaha guddaha Galmudug

Wasiirkii arrimaha guddaha Galmudug Cabdi Waayeel oo lagu eedeeyay in uu colaad ka huriyay Degmada Balanballe isla markaana uu jabiyay…

GudahaWararka
May 29, 2021

WAR SAXAAFADEED: Faahfaahin Hawlgalka Lagu Beegsadey Argagixisada Daacish (ISIS)

Muqdisho, 01-da Feberaayo 2025: Hawlgal si wadajir ah ay isaga kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka oo lagu beegsaday…

GudahaWararka
February 1, 2025

Wasaaradda ganacsiga oo ka digtay la macaamilka argagixisada

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha waxay digniin adag u direysaa dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed taas oo ah in aan lala…

GudahaWararka
January 22, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023