Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Munaasabado lagu xusayay 1-da Luulyo oo ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Munaasabado lagu xusayay 1-da Luulyo oo ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob
Wararka

Munaasabado lagu xusayay 1-da Luulyo oo ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 1, 2020
2 Min Read
Share
Muqdisho:(SONNA)-Munaasabadda xuska 60 guuradii kasoo wareegtay markii Goballada koofureed xuroobeen oo xalay lagu qabtay dagmada Goldogob ee gobalka Mudug ayaa waxaa Ka qeyb galay xildhibaano Ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dalka wasiiro iyo xildhibaano Ka tirsan dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool dagmada Goldogob.

 

Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ka hadlay iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug waxayna ka sheekeeyeen halgankii dheeraa ee loo Soo maray xornimada, iyagoona ku booriyay dhallinyarada maanta in ay Hormuud u noqdaan nidaamka dowladnimo ee dalku ku talaabsaday.

 

Dhanka kale Munaasabad lagu maamuusayay xuska 60 guuradii kasoo wareegtay maalintii ay xuroobeen goballada koofureed iyo  midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo koofur oo ay soo agaasimeen maamulka dagmada galkacyo ee Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

 

Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in maanta ay tahay maalin farxadeed loona baahan yahay in lagu xasuusto halgamayaashii naftooda iyo maalkooda u huray xornimada dalka, isagoona ka dhawaajiyay in ay tilmaam fiican oo ku dayasho mudan ay yihiin jiilka maanta nool.

 

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka kida odayaasha dhaqanka kuwaas oo sharaxaad buuxda ka bixiyay halgankii xornimo doonka iyo guusha la gaaray taas oo ay xuseen in maanta aynu harsaneyno waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen dhallinyarada in ay noqdaan kuwa hormuud u ah hannaanka dowladnimo ee dib usoo noolaanayo.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka iyo Itoobiya oo ka wadahadlay  hagaajinta xiriirka labada dal

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyadoo labada…

Caalamka
March 15, 2023

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska oo loo xiray tababar aqoon-kororsi ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee…

GudahaWararka
October 6, 2025

Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala wareegay amniga degmada Afgooye

Ciidanka xoogga dalka ayaa manta mas’uuliyadda amniga ee degmada Afgooye kala wareegay ciidamada AMISOM ee howlgalka Midowga Afrika,ka dib markii…

GudahaWararka
March 25, 2021

Dowladda Shiinaha oo lacag dhan 360 bilyan oo Yuan u qorsheysay maalgelinta Afrika

Beijing, (SONNA): Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) kaga hadlay…

GudahaWararka
September 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023