Muqdisho(SONNA):-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska Beel weynta Murusade,taas oo ay ka qeybgalayaan madaxda ugu sarreysa dalka.
Munaasabadda waxaa ka qeygalay madaxda ugu sarreysa dalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goob joog ka ah wasiirro, xildhibaano ka tirsan labada Aqal, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, madaxda dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in caleema-saarkani uu yahay astaan muujinaysa qiimaha taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
“Munaasabaddan waxay calaamad u tahay taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, doorka dhaqankuna wuxuu laf-dhabar u yahay dowlad-dhiska dalkeenna.”ayuu yiri wasii Daa’uud Aweys
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa xusay in dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso doorka dhaqanka, isagoo tilmaamay in uu qayb weyn ka qaato dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, isla markaana ay munaasabaddan muujinayso midnimada bulshada.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa isaguna tilmaamay in munaasabaddan caleema-saarka ay isu keentay madaxda qaranka, madaxdii hore iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa yiri;- “Dhaqanka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waa isku xiran yahay, maanta waxaan u joognaa caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi.”
Garaad Jaamac Garaad Cali, “Caleema-saarka dhaqanka koonfureed tixgelin gaar ah ayaa lasiiyaa waayahaan aadbaan ugu faraxsanahay arrintaas.”
Munaasabadda caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo hadda socota waxaa khudabada kala duwan ka jeedinayo madaxda dowladda odayaasha Dhaqanka, siyaasiinta iyo dhammaan martida kala duwan ee qeyb galeysa oo sheegay muhiimada ay dhaqanku ku dhax leeyihiin bulshada iyo kaalintooda dowlad dhiska.