Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhi ku yeeshay Magaalada New York ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo loo qaaday 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taasi oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kaasi oo xilligaan maraya heer gabogabo ah, iyadoo dhinaca kale ย Goluhu uu ku sii adkeeyay Cuneqabateynta hubka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shahaab.
โSanadkii 2022-kii ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh kadib ayuu la kulmay xubno ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka, dood dheer kadibna ay islaqaateen in la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay Soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka, dhammaanna Soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay, taasi oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubkaโ, sidaasi waxaa yiri:- La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin oo faah faahiyay jidka loo soo maray Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya laga qaaday 31 sano kadib.
Waxyaahabaha ay Soomaaliya ka faaโideyso qaadista Cuneqabateynta Hubka ayaa lagu soo koobi karaa 5 qodob, kuwaasi oo kala ah:-
1.La-dagaalanka Argagaxisada iyo soo afjariddeeda iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si dhab ah ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.
2- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka aheyd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo heyโadaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guudย ee dalka.
4- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn laheyd hayโaddeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.
5.Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Faaโiidada soo hormaraysa ayaa ah in la Soomaaliya ay heli karto Hubka waaweyn waqti yar gudahood ama Usbuuc gudahiis, halka markii hore ay qaadan jirtay sanado badan, taasi ayaa ah faaโiidada soo degdegeysa.
โWaxaan aad uga helay qaabka ay Dowlada Ingiriiska u soo diyaarisay 2-dii qaraar ee la xiriiray Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya, Qaraarka 1aad, waxaa cunaqabateynta Hubka looga qaaday Kaliya Dowlada Federalka Somalia. Qaraarka labaadna, waxa uu cunaqabateynta hubka ku sii kordhigay Argagixisada iyo Kooxaha kale ee Khatarta ku ah ammaanka Soomaalyia, si kale marka loo dhigo, marka laga reebo dowladda dhexe inta kale waa lagu kordhiyay cunaqabateynta. Haddii ay ahaan laheyd qabiilada, Maamul Goboleedyada iyo Hogaamiye Kooxeedyada. Dowlada Ingiriiska haddii ay ugu talagasho in ay Qalin kugu disho meel aadan ka kaceen ayay kugu dhufaneysaa, haddii ay ugu talagasho in ay qalin kuugu hiiliso, hiil caqligaada ka weyn ayay kuu sameyneysaa. Sidoo kalena hiilka Imaraatka iyo Mareykanka ay arintaani ka geesteen waa mid xusid mudanโ, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khamiistii yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga aheyd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo Roobabka daadadka wata ee ka daโaya dalka, wuxuuna Golahu soo dhaweeyey goโaankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna. Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.
โ dadaalka qaadista Cuneqabateynta Hubka waxay soo bilaabatay 2013-kii, waxayna soo maraysay marba heer ilaa la soo gaaray in gebi ahaanba la qaado, hal heyskeyga ayaa 2016-kii โQABYO NINKEEDAA DHAMEYSTIRAโ marka waa taas qabyadii oo aan dhameyeystirayโ, sidaasi waxaa yiri:-, isaga oo qoslaaya Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.
Haddaba waxaa lagu wadaa in bishan Desember 12-keeda uu ka dhaco Magaalada Washinton DC ee Cariga Maraykanka kulan heer caalami ah oo Soomaaliya loogu yaboohi doono Hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo looga hadlayo arrimaha Amniga Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doonaan dhowr Wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya, iyadoo looga hadli doonaa qaabka ay Soomaaliya ku heli karto Hub, kaasi oo isugu jira mid lagu caawinayo Soomaaliya, si ay u sii waddo dagaalka ay kula jirto Kooxda Khawaarijta ah iyo mid ay u fasaxan tahay inay iyadu soo iibsato, maadama dhawaan laga qaadaya cuneqabateynta Hubka oo Qaramada Midoobay saartay sanadkii 1991-kii.
โWalaahi Waxaan u maleynayaa in doodda xooggeedu u yahay yabooh Hubka ah iyo halka laga soo iibsan karo iyo mid deeq ahaan lagu siinayo, waad dareemi kartaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay Saraakiil Turkish ah oo uu kala hadlay ariimaha howlgalada, Turkigana waxaa laga helayaa Drones nooca 3 iyo kuwa kale, ย ku darsoo waxaa yaboohaasi ka qeybgalaya Wadamada Italy, Isutagga Imaaraatka Carabta โUAEโ, Masar iyo Wadamada Xulafada la ah Maraykanka โUSAโ oo arrimaha Soomaalia daneynaayaโ, sida uu SONNA u sheegay Ciise Xasan oo aad u falanqeeya arrimaha Ammaanka, isagoo jooga Dalka Finland.
โWaa dalalka loo badinaayo in hubka laga soo iibiyo, kuwana deeq ahaan ayay u bixinayaan, Shirkaasi Amniga Soomaaliya, waxaa kaloo looga tashanayaa bixitaanka Ciidamada ATMIS oo kuwa ugu horreeya la filaayo in dhamaadka bishaan ay baxayaan, waxaana ugu horreeya kuwa ilaaliya Madaxtooyada Qarankaโ, ayuu sii raaciyay Falanqeeyaha.
โCuneqabateynta Hubka ee laga qaaday Soomaaliya waxay suurtogalineysaa in uu dardar hor leh uu galo la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah, lana sii xoojin doono tayeynta ciidamada Soomaaliyaโ, sdaasina waxaa Warbaahinta la wadaagay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daauud Aweys Jaamac.
Dhinaca kale waxaa beryahaan socday wada tashiyo dhinaca howlgallada ah ee ka dhaxeeya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS, โ waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo in Ciidamada Soomaaliya kuwa ATMIS todobaadyadii ugu dambeeyay ay si wadajir ah ay ku wadeen howlgallo ka dhan ahaa Kooxda Shabaab, waxaa kale oo aan aaminsanay goโaankii ahaa qaadista cuneqabateynta Hubka Soomaaliya uu fursad dahabi ah siinayo, si ay u sii wiiqdo awoodda Kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab, ugu dambeyntiina ay uga takhalusto, annagana waxaa naga goโan inaan soo celinno nabadda iyo la dagaalanka Kooxda argagixisada ah, una diyaargarowno bixitaanka Ciidamadeennaโ, sidaasina waxaa yiri:- Madaxa Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya Danjire Maxamed El-Amine Souef.
By C/laahi Ruush