Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Muhiimadda Gacanka Cadmeed (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Muhiimadda Gacanka Cadmeed (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Muhiimadda Gacanka Cadmeed (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 21, 2024
7 Min Read
Share

Muhiimadda Gacanka Cadan muxuu yahay? Gacanka Cadan waxaa wadaaga seddex dal, jabuuti dhanka Bari, Yemen dhanka waqooyi iyo Soomaaliya dhanka koonfur. Gacanka Cadan ama Gulf of Aden dhirirkiisu waa 900km, balaciisana waa 500 km.

Gacanka Cadmeed wuxuu ku yaalaa Badwaynta Hindiya (Indian Ocean) wuxuna isku xiraa Badda Carbeed (Arabian Sea iyo Badda Cas (Red Sea). Gacanka Cadan wuxuu Soomaaliya ka maraa magaalooyin badan sida Lughaye, Saylac, Barbara, Ceergabo, Bosaaso iyo deegaan kale oo Soomaaliya ah.

Magaaloyinka uu maro gacanka Caden ama Gulf Aden ee Soomaaliya waxay ku yaalaan Gobolada Puntland iyo Soomaaliland, hadana ma jiraan ciidan badeed oo ay Soomaaliya leedahey oo jooga gacankaas, ciidanka jooga waa kuwa wadamada reer galbeedka sida Yurub,Mareykanka, Japan iyo wadamo kale.

Qorshaha ciidan badeed ee Itoobiyo ee gacanka Cadan ama Gulf of Aden. Itoobiya ma qarsan hadafka ay ka leedahey is afgaradka ay la sixiixatay Muuse Biixi waxey sheegtey labo hadaf in ay yihiin.

Itoobiya sanadihii ugu danbeeyey waxey xooga saartey siday u gaari laheyd hadafkeeda waxayna qaadey taloobiyin, kaasi oo ugu dambeeyay Is afgaradka ay la saxiixtey Muuse Biixi waa talaabdii ugu dambeysey ay ku gaari laheyd hadafkeedii.

Gacanka Cadan, Gulf Aden wuxuu isku xiraa:-

  1. Badda Carbeed (Arbian sea) iyo Badda Cas (Red sea) waana waddad ay maraan markiibta shidaalka iyo gaaska u sida yurub iyo North America.
  2. Shiinaha oo ah Warshadii Aduunka, qalabka lugu suubiyo ee u socdo Yurub iyo North America iyguna waxay maraan marinka gacanka Cadan.

Gacanka Cadan, Gulf Aden wuxuu muhiim yahey qowdaha ugu xooga weyn aduunka waana tan keentey in maanta ay ku sugan yihiin ciidan badeed wadamo badan ay leeyihiin Jabuuti waxaa degan ciidamo badan oo badda ah oo ah kuwo isku hayo hogaaminta aduunka.

Ergeyga Gaarka ah ee Dalka Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador, Mike Hammer, ayaa digniin culus u jeediyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo ku sugan Addis Ababa, isagoo caddeeyay in madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin “waxaan gor-gortan galaynin”. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Itoobiya ay wajaheyso xaalad daciif ah oo gobolka ah, iyadoo Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer uu si cad u sheegay in aan loo dulqaadan doonin ficil kasta oo wax u dhimaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ergaygu dhulka ayuu la gooyay taliska Addis Ababa damacii waalida ahaa ee kornayl Abiyi Ahmed reer galbeedkii ay ku laadeen damaca qar iska tuur namada ahaa ee kuu ku kacay kuna soo dhamaaday fashilka.

Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay damaca guracan ee dowladda Itoobiya.

“Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xadgudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah shir jaraa’id ay si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa dhawaan la kulmay Madaxwaynaha Eritrea, iyagoo ka wada hadlay Arimaha gobalka iyo sidii lo ilaalin lahaa madax-banaanida Somaalia iyo waliba sidii iskaashi looga yeelan lahaa arimaha gobalka, sido kalena waxay ka wada hadleen Arimaha Soomaaliya iyo Suudaan, iyago isla qiray sidii lo dhawri lahaa madax-banaanida Soomaaliya.

Xaalka Geeska Africa ayaa ka sii dartay Mar kale ayaa Masar waxay qaadatay talaabo adag, waxaana socda Xulafo ka dhan ah Ethiopia, iyadoo Geeska Africa ay deganaasho la,aan ah tan iyo Markii ay Ethiopia ku xadgudabtay Madax banaanida Soomaaliya.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in Itoobiya ay wado tallaabooyin khatar ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo sheegtay in haddii Itoobiya ay dhaqangeliso is afgaradkii ay la gaartay Muuse Biixi, ay Soomaaliya u aqoonsan doonto dagaal lagu soo qaadey dalkeeda. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Cali Balcad, oo la hadlay Al-Jazeera, ayaa caddeeyey in Soomaaliya diyaar u tahay inay difaacdo dalkooda, islamarkaana ay qaadi doonto tallaabooyin adag.

Cali Balcad ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay haysato ciidan iyo awood ku filan oo ay ku difaaci karto madax-bannaanideeda, inkastoo uu beeniyay in ciidanka Masar ay hadda joogaan Soomaaliya. Si kastaba, wuxuu xusay in ay sugayaan in ciidanka Masar ay dhawaan yimaadaan, si ay uga qayb qaataan sugidda amniga gudaha iyo difaaca qaranka.

Soomaaliya ayaa caddeysay in Masar ay dhawaan Muqdisho keentay saanad milateri oo loogu talagalay la dagaalanka Argagixisada iyo cid kasta oo ku xadgudubta madax-bannaanida Soomaaliya. Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in Masar loo ogolaaday inay ciidankooda ku difaacaan Soomaaliya gudaha dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa isna waxa uu dul istaagay Faragelinta Itoobiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku heyso, waxa uu tilmaamay in haddii aysan ka baaqsan ay jawaab ku haboon ka qaadan doonto, Soomaaliya ayuu sheegay Wasiir Axmed Fiqi in ay weli tartiibineyso xaaladda maadaama rajo ay ka qabto in arrinta la xaliyo balse haddii lagu guuldareysto Dowladda Federaalka ay sameyn doonto tallaabooyin kala duwan sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Turkiye oo shaaca ka qaadday in qaab cusub lagu wajihi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiye Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abbaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo markii Seddexaad lagu ballansan yahay Ankara.

Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan, kaasi oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya. Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaadday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo ku xadgudbaya midnimada iyo madax-banaanida Dalka.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Eedaysaneyaal loo haysto dil ka dhacay qaayib

Mudug(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ee ka howlgala Galmudug ayaa soo qabtay laba ka mid ah saddex eedeysane oo dhawaan aagga deegaanka Qaayib…

GudahaWararka
October 10, 2025

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday eedaysanayaashii loo haystay dilkii guddoomiyihii hore degmada hodan

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta  xukun ku riday Eedeysanayaal loo heystay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore…

GudahaWararka
May 18, 2021

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Muqdisho(SONNA):- Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay…

GudahaWararka
April 14, 2024

Duqeyn ka dhacday deegaanada Galmudug oo lala beegsaday Maleeshiyada Al-shabaab

Muqdisho… SONNA…Cabsidii ugu weyneyd ee Al-shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka Luulyo 11-ka barqanimo ayay…

GudahaWararka
July 20, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023