Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed
    April 30, 2026
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ k๐š q๐š๐ฒ๐› g๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š
    April 30, 2026
    Wasiirka deegaanka oo shir muhiim ah uga qaybgalay Ethiopia
    April 29, 2026
    Booliska oo Bulshada ka wacyigelinaya Maan-dooriyaha
    April 29, 2026
    Shirka Taliyaasha Sirdoonka wadamada Bulshada Bariga Afrika oo Muqdisho ka furmay
    April 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 6, 2025
6 Min Read
Share

Ka dib markii khamiistii la soo dhaafay ay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee Golahaasi, waxaana bilowday Xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, โ€œWaxaa naga goโ€™an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.โ€
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah.

Mudane. Abuukar Baalle ayaa Golaha ammaanka ka hor sheegay in Soomaaliya si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Yuhuuddu ay heysato. โ€ Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda Xaaladda Qasa ee sii xumaaneysa iyo dhibaatada joogtada ah ee dadka Falastiin ku heyso colaadda daba dheeraatay ee ay wadaan Israel iyo xullafadeeda,waxaana ku boorineynaa Israel in ay madax u noqoto baaqa xooggan ee caalamka iyo in ay ogolaato gargaarka shacabka dhiban u socda,โ€.

Danjire Abuukar Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiriโ€ Dadka Rayidka ah ee u badan Haween iyo Carruur waxay wajahaan arrimo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin cunto yiri iyo nafaqo daro baโ€™an oo soo food saartay, xaaladdaasi in si deg deg ah looga feejignaado,โ€.

Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas, wuxuuna sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo.

โ€ Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.

Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo.

โ€ Waxaa ka mid ah Argagixisada sida hadda Madaxweynahu sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa waxaa dhici karta in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?, waxaa uga bixi karnaa inaan labadaasi sano aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta Ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo Wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa,โ€.

Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeenna ugu dambeysay 54 sano ka hor ayaa ka hadlay guulaha ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuuna Madaxweynuhu ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah.
Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u aheyd bilowga shaqada Soomaaliya ee Golahaasi.

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto, wuxuuna sidoo kale uga mahadceliyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan Diblomaasiyiinta iyo Howlwadeennada Wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Haddaba maxaa laga doonayaa inta ay ku fadhiso Soomaaliya Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay? Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta ay kursigani ku fadhiso waxaa laga doonayaa in ay xoogga saarto nabadeynta Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka.

By. Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Johannesburg โ€“ (SONNA ) wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka…

April 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shirgudoomiyey kulanka guddiga joogtada

Muqdisho(SONMA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka 17-aad…

GudahaWararka
December 18, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ankara kula kulmay wasiirka arrimaumaha dibadda Turkiga

Ankara (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa…

GudahaWararka
June 17, 2024

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho(SONNA):-Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Muqdisho,shirkan ayaa waxa looga hadlayaa doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee maalgashiga…

GudahaWararka
May 11, 2024

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo kormeeray Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Nairobi-(SONNA)-Raโ€™iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka…

GudahaWararka
May 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023