Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika
    October 19, 2025
    Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda
    October 19, 2025
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho
    October 19, 2025
    Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti
    October 19, 2025
    Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 2, 2023
10 Min Read
Share
Copy right Amiin caamir

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo xilligaan maraya heer gabogabo ah, isagoo Goluhu ku sii adkeeyay Cuneqabateynta hubka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shahaab.

La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin oo faah faahiyay jidka loo soo maray Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya laga qaaday 31 sano kadib. La taliyaha Amniga ayaa ugu horeyn Shacbka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha tariikhiga ah ee dalka laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarneyd,isagoo Madaxweynaha JFS uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay arintaan, isagoo sheegay in arrinta cunaqabateynta Hubka ay soo martay marxalado kala duwan una billaabay dadaadlka ah in cunaqabteynta laga qaado soomaaliya Madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud Sanadkii 2012-kii,taa uu sheegay in lagu guuleysatay in qeyb laga qaado cunaqateynta ayna soo gadato hub, iyada oo mareyso shuruuc ay u dajiyeen hay’adaha Caalamka,sidaana ay Soomaaliya hubka ku heli jirtay.

Sanadkii 2022-kii ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in ay la kulmeen xubna ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka, dood dheer kadibna ay islaqaateen in la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay Soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka, dhammaanna Soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay, taasi oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubka.

Haddaba maxay uga dhigan tahay Soomaalida ka qaadista Cuneqabateynta Hubka?, Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ayaa waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah. Haddaba faa’iidooyinka uu go’aankan la iman karo ayaa waxaa ka mid ah :

1- La-dagaalanka Argagaxisada iyo soo afjariddeeda iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si dhab ah ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.

2- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka aheyd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud  ee dalka.

4- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn laheyd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.

  1. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Yaa ka hadlay arrintaan aad ka u weyn?, “Maanta waa maalin taariikhi ah, waxaan soo dhaweynayaa go’aankii golaha Ammaanka ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, tobnaaankii sano ee la soo dhaafay cunaqabateynta,  waxay caqabad ku noqotay qalabeynta waqtigeeda ee Ciidamada Qalabka Sida SNA Force , Hubka taageerada lagama maarmaanka ah si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab ”, sidaasi waxaa  yiri:- Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeye Guusha laga gaaray  Cunaqabateydii Soomaaliya Saarneyd Muddo 31 Sano, wuxuuna ugu Mahadceliyey Madaxda Sare ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado Xayiraada Hubka, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay Muhiimad gaar ah u leedahay in Soomaaliya laga qaado  cunaqabataynta hubka.

“Waxaan aad uga helay qaabka ay Dowlada Ingiriiska u soo diyaarisay 2-dii qaraar ee la xiriiray Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya, Qaraarka 1aad ,Waxaa cunaqabateynta Hubka looga qaaday Kaliya Dowlada Federalka Somalia. Qaraarka labaadna, Waxa uu cunaqabateynta hubka ku sii kordhigay Argagixisada iyo Kooxaha kale ee Khatarta ku ah ammaanka Soomaalyia, si kale marka loo dhigo,Marka laga reebo dowladda dhexe inta kale waa lagu kordhiyay cunaqabateynta.Haddii ay ahaan laheed qabiilada,Maamul Goboleedyada iyo Hogaamiye Kooxeedyada. Dowlada Ingiriiska hadii ay ugu talagasho in ay Qalin kugu disho meel aadan ka kaceen ayey kugu dhufaneysaa ,Haddii ay ugu talagasho in ay qalin kuugu hiiliso, hiil caqligaada ka weyn ayey kuu sameyneysaa.Sidoo kalana hiilka Imaraatka iyo Mareykanka ay arintaani ka geesteen waa mid xusid mudan”, sidaasi waxaa yiri Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka, isagoo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarneed 31 sano, isagoo intaasi raaciyay in cunaqabateynta ay tahay tii ugu dheereen ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu dal saaro, wuxuuna xusay guusha ay Soomaaliya gaartay in ay tahay mid muddo la  sugayey, fursadna u heli doonta in ciidanka lagu qalabeeyo hub casri ah, carabkana ku dhuftay in awood u lahaan doonaan ciidanka xoogga in ay ka guuleystaan Khawaarijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay dadaalka Dowladda ay ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, iyo faa’iidada ay leedahay ayuu ku sheegay in qeyb weyn ka qaadan doono xorreynta degaannada Khawaariijta ay ku sugan yihiin iyo inaan si casri ah u qalabeyno ciidankeena, waxaana uu uga mahadceliyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyay in Soomaaliya cunaqabataynta hubka la qaaday wixii xalay ka dambeeya.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan  cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay dadaal badan ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, wuxuuna sharaxay faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka, isagoo yiri:- “Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno”.

Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, “Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaan doonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.

Fadhi ay yeesheen shalay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya ku abuuri doonta waddo cusub.

By. C/Laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika

Muqdisho(SONNA)-:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furay Tababbar ku saabsan midaynta Fariimaha Dowladda

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale ayaa maanta Muqdisho uga furay…

GudahaWararka
August 26, 2023

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah furay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa daah furay Shir weynaha Xalka Waara…

GudahaWararka
February 27, 2023

Maraykanka oo ku baaqay in la baaro Xasuuqa Abiye ka wado gobolka Amxaarada

Addis ababa(SONNA):-Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in la baaro xasuuqa maamulka Abiy Axmed ka wado gobolka Amxaarada ee waqooyiga Itoobiya.…

GudahaWararka
February 10, 2024

Xubno katirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo u ambabaxay degmada Baraawe

Muqdisho(SONNA)-Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban Mudane Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay safar shaqo u aaday…

GudahaWararka
February 7, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023