Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?
GudahaMaqaalladaWararka

Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 16, 2025
4 Min Read
Share

Ku guuleysiga kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxay muhiim ugu tahay Jabuuti sababaha soo socda:-

1- Saameynta iyo Hoggaaminta:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa qaabeynta ajendaha iyo mudnaanta Midowga Afrika (AU). Qabashada jagadan, waxay Jabuuti saameyn ku yeelaneysaa siyaasadaha qaaradaha (continental policies), hindisayaasha (initiatives), hababka go’aan qaadashada (decision-making processes), iyo kor u qaadidda doorka hoggaamineed ay Jabuuti ku leedahay qaarada Afrika.

2- Matalaadda Africa iyo Caalamka:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxa uu ururka Midowga Afrika ku matalaa fagaarayaasha caalamiga ah, maadaama uu gudoomiyaha ka soo jeedo Jabuuti, waxaana kor u kacaya mawqifka diblomaasiyadeed ee Jabuuti, taasi oo xoojineysa codka Jabuuti ee arrimaha Africa iyo caalamka.

3- Faa’iidooyinka Dhaqaale iyo Horumarineed:

Guddoomiyuhu waxa uu hagi karaa barnaamijyada Midowga Africa iyo maalgelinta mashaariicda la jaan qaadaya danaha dalkiisa, kuwaasi oo Jabuuti u soo jiidaya indhaha maalgashiyo cusub, gargaar horumarineed, iyo iskaashi waxtar u leh wadanka Jabuuti.

4- Xallinta Khilaafaadka iyo Nabad-dhisidda:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) wuxuu inta badan ka qayb qaataa dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo horumarinta nabadda iyo amniga guud ahaan qaaradda Africa. Maadaama ay Jabuuti jagadaan qabatay waxa ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa xallinta khilaafaadka iyo kobcinta xasilloonida qaarada Africa iyo caalamka, taasi oo saameyn togan ku yeelaneysa ammaanka Jabuuti iyo saameynteeda caalamka.

5- Awoodda Jilicsan iyo Sharafta wadanka (Soft Power and the Prestige of the country):

Ku guuleysiga kursiga guddoomiyaha guddiga midowga Africa waxay kor u qaadaysaa awoodda jilicsan ee Jabuuti, waxayna kor u sii qaadeysaa sumcadda Jabuuti ee guud ahaan Afrika iyo dunida inteeda kale. Guusha shalay waxay muujinaysaa in Jabuuti lagu kalsoon yahay oo ay ixtiraamaan dowladaha kale ee xubnaha ka ah midowga Africa.

6- Xiriirada iyo Isbahaysiyada:

Guddoomiyuhu waxa uu si joogto ah ula falgalaa madaxda qaaradda Africa, taasi oo Jabuuti siinaysa fursad ay ku dhisato xiriir diblomaasiyadeed iyo isbaheysi adag oo u horseedaya in ay kordhiso iskaashiga iyo taageerada ay qaarada Africa ku dhexleedahay.

7- Horumarinta Danaha Qaranka Jabuuti:

Gudoomiyuhu wuxuu mudnaan siin karaa arrimaha la jaan qaadaya danaha qaran ee dalkiisa Jabuuti, sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, heshiisyada ganacsiga, iyo isdhexgalka gobolka, isaga oo hubinaaya in danaha Jabuuti leedahay ay helaan feejignaan iyo in dhaqaale loo helo haddii loo baahdo.

8- Astaanta Pan-Afrika:

Qabashada Jabuuti ee guddoomiyenimada guddiga midowga Africa waxay muujinaysaa sida ay Jabuuti uga go’an tahay Pan-Africanism iyo midnimada qaaradda, taasoo dhiirigelin karta taageerada gudaha wadankiisa iyo guud ahaan qaarada Africa uu ku leeyahay hoggaanka dalka Dโ€™jabuuti.

Isku soo wada duuboo, ku guuleysiga kursiga guddoomiyaha guddiga midowga Africa ee Mohamud Ali Yusuf waxay siineysaa Jabuuti fursad ay ku qaabeyn karto mustaqbalka qaarada Afrika, si ay kor ugu qaado saameynteeda Africa, una horumariso danaheeda qaran.

Hambalyo Hiil Walaal.

Ugu dambeyn waxaannu leenahay Hambalyo Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midawga Afrika(AU) Md.Maxamud Cali Yusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo shalay loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, isagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.

Hogaaminta Fulinta ee Midowga Africa waxaa loo doortay labo Dal oo ka tirsan Ururka Jaamacada Carabta, waxayna kala yihiin:-

  1. Gudoomiyaha Fulinta Mudane Mohamoud Ali Yusuf(DJIBOUTI).
  2. Gudoomiye Kuxigeenka Fulinta Marwo Selma Malika (Algeria).

Hamblayo Hamblayo Hamblayo.

ย 

Qore: Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan (Kampala)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

RW Xamsa” Ciidamada qalabka waa in ay si deg deg ah uga qeyb qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo carruurta isugu jiraโ€

Muqdisho.(SONNA):- Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dheegay in ay heleen labo fariin oo muhiim, kuwaas…

GudahaWararka
November 11, 2023

Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq

Muqdusho(SONNA):-Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto sarakiil katirsan Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo…

GudahaWararka
February 4, 2024

Wasiirka Maaliyadda XFS oo furay shir u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Bankiga horumarinta Afrika

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta furay shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga…

GudahaWararka
March 26, 2024

Maamulka Gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka ah oo kala saxiixday heshiis shaqo abuur ah

Muqdisho.(SONNA)...Maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegga dad-weynaha ayaa heshiis ku saabsanaaย  sidii fursado dhaqaale oo waara…

Wararka
October 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023