Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?
GudahaMaqaalladaWararka

Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 16, 2025
4 Min Read
Share

Ku guuleysiga kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxay muhiim ugu tahay Jabuuti sababaha soo socda:-

1- Saameynta iyo Hoggaaminta:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa qaabeynta ajendaha iyo mudnaanta Midowga Afrika (AU). Qabashada jagadan, waxay Jabuuti saameyn ku yeelaneysaa siyaasadaha qaaradaha (continental policies), hindisayaasha (initiatives), hababka go’aan qaadashada (decision-making processes), iyo kor u qaadidda doorka hoggaamineed ay Jabuuti ku leedahay qaarada Afrika.

2- Matalaadda Africa iyo Caalamka:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxa uu ururka Midowga Afrika ku matalaa fagaarayaasha caalamiga ah, maadaama uu gudoomiyaha ka soo jeedo Jabuuti, waxaana kor u kacaya mawqifka diblomaasiyadeed ee Jabuuti, taasi oo xoojineysa codka Jabuuti ee arrimaha Africa iyo caalamka.

3- Faa’iidooyinka Dhaqaale iyo Horumarineed:

Guddoomiyuhu waxa uu hagi karaa barnaamijyada Midowga Africa iyo maalgelinta mashaariicda la jaan qaadaya danaha dalkiisa, kuwaasi oo Jabuuti u soo jiidaya indhaha maalgashiyo cusub, gargaar horumarineed, iyo iskaashi waxtar u leh wadanka Jabuuti.

4- Xallinta Khilaafaadka iyo Nabad-dhisidda:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) wuxuu inta badan ka qayb qaataa dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo horumarinta nabadda iyo amniga guud ahaan qaaradda Africa. Maadaama ay Jabuuti jagadaan qabatay waxa ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa xallinta khilaafaadka iyo kobcinta xasilloonida qaarada Africa iyo caalamka, taasi oo saameyn togan ku yeelaneysa ammaanka Jabuuti iyo saameynteeda caalamka.

5- Awoodda Jilicsan iyo Sharafta wadanka (Soft Power and the Prestige of the country):

Ku guuleysiga kursiga guddoomiyaha guddiga midowga Africa waxay kor u qaadaysaa awoodda jilicsan ee Jabuuti, waxayna kor u sii qaadeysaa sumcadda Jabuuti ee guud ahaan Afrika iyo dunida inteeda kale. Guusha shalay waxay muujinaysaa in Jabuuti lagu kalsoon yahay oo ay ixtiraamaan dowladaha kale ee xubnaha ka ah midowga Africa.

6- Xiriirada iyo Isbahaysiyada:

Guddoomiyuhu waxa uu si joogto ah ula falgalaa madaxda qaaradda Africa, taasi oo Jabuuti siinaysa fursad ay ku dhisato xiriir diblomaasiyadeed iyo isbaheysi adag oo u horseedaya in ay kordhiso iskaashiga iyo taageerada ay qaarada Africa ku dhexleedahay.

7- Horumarinta Danaha Qaranka Jabuuti:

Gudoomiyuhu wuxuu mudnaan siin karaa arrimaha la jaan qaadaya danaha qaran ee dalkiisa Jabuuti, sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, heshiisyada ganacsiga, iyo isdhexgalka gobolka, isaga oo hubinaaya in danaha Jabuuti leedahay ay helaan feejignaan iyo in dhaqaale loo helo haddii loo baahdo.

8- Astaanta Pan-Afrika:

Qabashada Jabuuti ee guddoomiyenimada guddiga midowga Africa waxay muujinaysaa sida ay Jabuuti uga go’an tahay Pan-Africanism iyo midnimada qaaradda, taasoo dhiirigelin karta taageerada gudaha wadankiisa iyo guud ahaan qaarada Africa uu ku leeyahay hoggaanka dalka D’jabuuti.

Isku soo wada duuboo, ku guuleysiga kursiga guddoomiyaha guddiga midowga Africa ee Mohamud Ali Yusuf waxay siineysaa Jabuuti fursad ay ku qaabeyn karto mustaqbalka qaarada Afrika, si ay kor ugu qaado saameynteeda Africa, una horumariso danaheeda qaran.

Hambalyo Hiil Walaal.

Ugu dambeyn waxaannu leenahay Hambalyo Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midawga Afrika(AU) Md.Maxamud Cali Yusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo shalay loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, isagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.

Hogaaminta Fulinta ee Midowga Africa waxaa loo doortay labo Dal oo ka tirsan Ururka Jaamacada Carabta, waxayna kala yihiin:-

  1. Gudoomiyaha Fulinta Mudane Mohamoud Ali Yusuf(DJIBOUTI).
  2. Gudoomiye Kuxigeenka Fulinta Marwo Selma Malika (Algeria).

Hamblayo Hamblayo Hamblayo.

 

Qore: Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan (Kampala)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle “Hoos u dhac ayaa ku yimid wax soo saarka beeraha”

Jowhar-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha maamulka Hirshabeelle, mudane, cali xaaji Isgoowe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoos u dhac uu…

Wararka
January 4, 2020

Dhaqaatiirka Xudur oo la tacaalaya dhowr caruur ah oo laga helay cudurka Jadeecada

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in 10 caruur ah oo uu soo ritay cudurka Jaceecada…

Gudaha
January 7, 2023

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA)

Muqdisho, (SONNA): Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka…

GudahaWararka
November 2, 2024

Madaxweyne Trump oo dib u billaabay ololihiisa doorashada

WASHINGTON-(SONNA)- Ololoha doorashada Trump ayaa ku soo aadaya iyadoo doorashada madaxweynaha ay ka harsan tahay wax ka yer 3-todobaad, maadama…

CaalamkaGudahaWararka
October 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023