Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo
    May 31, 2026
    WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA
    May 31, 2026
    Jadwalka imtixaanka  fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay
    May 31, 2026
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka
    May 31, 2026
    Horjooge sare Khawaarijta ka tirsan oo howlgal lagu dilay
    May 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaTechnologyWararka

Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 26, 2025
5 Min Read
Share

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa bishan 10-keedii sheegay in Shidaalka Turkiga uu bilaabi doono howlo sahamin Shidaal iyo Gaas ah Seddex goobood oo ku yaalla Soomaaliya bilaha soo socda. Shirkadda Shidaalka ee Turkiga iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiiska baarista iyo soo saarista kaarboonka laga dhaliyo.

“Howlaha sahaminta Saliidda iyo Gaaska ayaa bilaha soo socda ka bilaaban doona Seddex goobood oo muhiim ah oo xeebta ku yaalla oo gaaraya ku dhawaad (​​16,000) oo kiiloomitir laba jibaaran”, ayuu yiri Bayraktar. “Wejiga koowaad wuxuu noqon doono cilmi baarista Seismic, kadibna waxaa ku xigi doonaan howlgalo qodis ah, iyadoo ujeedadu tahay in la ogaado lagana soo saaro Saliid iyo Gaaska goobahaasi”, ayuu sii raaciyay.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hadda waxa uu baaritaanno Seismic ah oo Seddex geesood ah ka wada deegaanno ka tirsan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka ahaa heshiis hore. Oruc Reis uu horay u dhammaystiray ku dhawaad ​​78% howsha sahaminta, Bayraktar wuxuu yiri: “Dhammaadka bisha May, waxaan ku dhammeyn doonnaa daraasadaha Seismic-ka halkaas”. “Iyada oo ku saleysan xogta la uruuriyay, waxaan gaari doonaa go’aankayaga ku saabsan Wejiga xiga, kaasi oo ah qodista,” ayuu yiri.

Bayraktar waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in magaalada Istanbul ay martigelin doonto Shirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Caalamiga ah bisha May 2-deeda. Wasiiro iyo shirkado ay khusayso oo ka kala socda daafaha caalamka ayaa isugu iman doona, xafladaasina ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga, gaar ahaan dhinaca Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah, iyo Macdanta.

“Dhammaanteen waxay noo tahay maalin taariikhi ah” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed, wuxuuna sheegay in koox loo abaabuli doono, si ay Soomaaliya u aadaan, si ay u qiimeeyaan oo ay ugu diyaar garoobaan shaqada weyn ee hortaala.”  Sida uu sheegeen, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya “waxaa ka go’an inay Soomaaliya gaarsiiyaan heer ka duwan kuwii hore.

“Soomaaliya waxa ay ku jirtay tobanaan sano oo colaado sokeeye, dagaalo, iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah, balse hadda waxaa la joogaa xilligii aan horumarin laheyn kheyraadka dabiiciga ah, anaga oo kaashaneyna Walaalaheena Turkiga, waxaan ku guuleysan doonnaa midaasi mustaqbalka dhow,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Turkiye Anadolu.

‘Iskaashiga mustaqbalka’, Wasiirka Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan sidoo kale ka fekereynaa kheyraadka kale sida Macdanta.” Waxa uu sheegay in marka la sameeyo aasaaska sharci ee lagama maarmaanka ah, shirkadaha macdanta ee Turkiga ay soo geli karaan Soomaaliya, si ay heshiisyo iyo qandaraasyo u sameeyaan.

Sharciga Batroolka Soomaaliyeed waxaa la ansixiyay sanadka 2020-kii, wuxuuna dejinaya qaab-dhismeedka iyo siyaasada shidaalka iyo Gaasta dalka, oo ay ku jiraan adeegsiga heshiisyada Wax-soo-saar Wadaagga (PSAs) iyo in la hubiyo in kheyraadka Shidaalka iyo Gaasta ay gaar u leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Sharcigan ayaa sidoo kale waxaa ku jira heshiis dakhli qeybsi ah, kaasoo dakhliga u qeybinaya shacabka Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo lixda dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista Shidaalka iyo Gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu abuuray jahawareer iyo faafin xog khaldan oo aan sax ahayn.

‘Shidaalka Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya’. Heshiisku si cad ayuu u qeexayaa in Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo Badda Soomaaliya ay yihiin hanti Qaran oo ay leeyahay Shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskani wax isbedel ah kuma keenayo lahaanshaha kheyraadka dalka.

“Turkiga ama shirkad kale lama siinin xuquuq lahaansho shidaal. Turkiga waxa uu kaliya yahay shirkadda fulinaysa howsha sahminta iyo soo saarista, balse ma laha wax xuquuq ah oo ku saabsan hantida shidaalka. Lahaanshuhu wuxuu weli si buuxda ugu jiraa gacanta Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Khabiir Soomaaliyeed.

Intaan Xusuusnoow  haddaba:-

* Lahaanshuhu wuxuu weli gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed,
* Faa’iido la helayo xilli hore,
* Khataraha la iska ilaalinayo,
* Isla markaana loo gogol xaarayo mustaqbal madax-bannaani dhaqaale iyo horumar farsamo.

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad cusub oo ay si xikmad leh ugu maaraynayso kheyraadkeeda, si uu uga faa’iido Shacabkeeda maanta iyo berriba.

By. C/lahi Ruush

 


 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

Baydhabo,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka…

May 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka oo gudoomiyey shir sare oo looga hadlayey soo saarista shidaalka Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Shirka waxaa ka qaybgalay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda FS Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda…

GudahaWararka
September 5, 2020

Xuska Maalinta badqabka cuntada adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Wasiirka Xanaannada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, Ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala…

Wararka
June 7, 2020

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen…

GudahaWararka
July 21, 2025

Ra”iisul wasaare Xamse oo magacaabay Guddida qaban qaabada Aaska Guddoomiye Jawaari

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka…

GudahaWararka
June 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023