Muqdisho (SONNA):- Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka khawaarijta iyo ka mira dhalinta siyaasadda loo dhan-yahay.
Golaha ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ka dhagaystay Wasiirrada amniga iyo taliyayaasha ciidanka qalabka sida, iyagoo ka war-bixiyay xaaladda guud iyo dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.