Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da

By Kanaava Mohamed
Last updated: April 24, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)— Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyada oo kaashaneysa Machadka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Qaranka iyo Machadka SIMAD iLAB ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da si loo xoojiyo looguna dhiirigeliyo gabdhaha iyo haweenka sidii ay ugu biiri lahaayeen xirfadaha ICT-da ee sii kordhaya.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda, hay’adaha horumarinta, jaamacadaha, shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, iyo ururada bulshada rayidka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay hay’addu uga go’antahay horumarinta xirfadaha dhijitaalka ee dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha:

“Tan iyo 2018-dii, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay hormuud ka ahayd dadaallo lagu xoojinayo xirfadaha dhijitaalka ee gabdhaha, iyadoo qabanqaabisay tartamo heer qaran ah, bixisay in ka badan 35 koorsooyin tababar ah oo si gaar ah loogu talagalay in lagu kordiyo xirfadaha ICT-da ee muhiimka ah, si guul ah ayaan u tababarnay in ka badan 400 oo gabdhood. Dadaalladani waxay hoosta ka xarriiqayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) uga go’an tahay kobcinta aqoonta dhijitaal ah oo loo wada dhan yahay iyo in la xoojiyo jiilka soo socda ee haweenka dhinaca teknoolajiyada”

Shirka ayaa sidoo kale lagu martiqaaday hoggaamiyaal iyo khubaro gudaha iyo dibbeda ah, oo ay ka mid yihiin Lionel Laurens, Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, iyo Dr. Ally Simba, Madaxa Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika (EACO), waxayna carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo maalgelin joogto ah oo la xiriirta waxbarashada Teknoolojiyadda iyo Sayniska (STEM) iyo barnaamijyada la-talinta si kor loogu qaado hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo shirka lagu soo bandhigay fadhi-doodyo la xiriira waxbarashada Teknoolojiyadda iyo Sayniska (STEM), horumarka teknoolojiyadda iyo doorka haweenka, iyo tartan ay gabdhuhu kusoo bandhigeen hal-abuurnimadooda dhanka ICT-da.

Gebogabadii, Mudane Maxamed Aadan Macalin, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, oo shirka soo xirey, sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay in la dhiso mustaqbal dhijitaal ah oo loo wada siman yahay:

“Horumarka dhijitaalka ee Soomaaliya ma dhamaan doono ilaa dhalanyaradeenna fursad u hesho inay barato, ka qeybqaadato hal-abuurka, doorna ku yeelato hoggaaminta horumarka teknoolojiyadda dalka.”

Shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da ayaa sii xoojinaya ballanqaadka HIQ ee ah in la taageero siyaasadaha ICT-da ee loo dhanyahay, la yareeyo farqiga dhijitaalka ee u dhexeeya labka iyo dheddigga, lana abuuro jawi sahlaya kobaca dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Muwaadiniinta Chad oo u dareeray goobaha codbixinta

Chad.(SONNA):-In ka badan 7 milyan oo ka mid ah muwaadiniinta Chad ayaa saakay u dareeray  goobaha codbixinta si ay u…

CaalamkaWararka
April 11, 2021

Ciidamada amniga Sacuudiga oo ka hor tagay gaari doonayay in uu xoog ku galo Xaramka

Riyadh-(SONNA)- War ka soo baxay Saraakiisha Amniga Sacuudiga ayaa lagu sheegay in maanta oo Sabti ah ay ciidamada qaabilsan sugidda…

CaalamkaWararka
October 31, 2020

Madaxweynaha JFS oo xariga ka jaray xarunta mashruuca Nagaad

Dhuusamareeb(SONNA):-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si wadajir…

GudahaWararka
August 20, 2025

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Fitriga.

Muqdisho,(SONNA)- Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yusuf Cumar (Alcadaala) ayaa…

Gudaha
May 12, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023