Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 25, 2023
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed oo ka furmay shalay magaaladda Muqdisho ayaa qodobadda looga hadlayo waxa ka mid ah sidii dagaal adag loola geli lahaa kooxda khawaariijta arxanka,madashan ayaa waxaa lagu casuumay Culumo Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso in ka badan 300 ah kuwaas oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo iyo dibaddiisa,shirkan ayaa waxaa lagu dhisi doono heya’adda sharci ah isla markaana rasmi ah oo ay leyihiin culimadda soomaaliyeed, maadaama ay qiimo weyn ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Dalka, waxaa kalo ka mid ah qoddobada Culimadu ay ka hadli doonaan ay ka mid tahay diinta, dowladnimada iyo xiriirka ka dhaxeeyo, iyo in la dhiso Gole sare oo ay Culimada ku mideeysan yihiin islamarkaana ah dastuuri, si loo helo dal Soomaaliyeed oo dowladdooda iyo Culimadooda ay mideysan yihiin, wanaa shir ay u dhan yihiin guud ahaan Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Culimmada ka qayb gelaysa shirweynahan oo siyaabo gaar gaar ah ula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay dalka iyo diinta sidoo kalena meel adag la iska taagi doono sidii dalka looga xorayn lahaa kooxda khawaariijta, Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah Culimada ka qeyb galayso Shirkaasi  ka furmay Muqdisho ayaa ka hadalay ahmiyadda shirka uu u leeyahay dalka, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid uu Madaxaweynaha JFS horay ugu baaqay in loo qabto Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, si looga hadlo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo wax ay shareecada islaamku ka qabto xukunka khawaarijta.

Qorane ayaa sidoo kale tilmaamay in ahmiyada weyn shirkan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna soo aday xili loo baahnaa, madaama dalku uu ku jiro dagaalka ka dhan khawaarijta muhiimna ay tahay in bayaan wad jir ah Culimada Soomaaliyeed ka soo saraan xukunka khawaarijta iyo sidii dowlada iyo Culimada la isugu xiri lahaa.

Waxaa kaloo ka hadlay muhiimadda shirka Sheekha Xasan jaamici oo isna ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shirka culimada ayaa dul istaagay inay muhiim tahay in Culimada Soomaliyeed caddeeyaan dhaqanka guracan ee ay ku dhaqmayaan kooxda khawaarijtu, in diinta islaamku aysan waxa sal ah ku lahayn Culimadana bayaan wadajir ah ay ka soo saaraan, iasgoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- ” Maraynkanka ayaa uga imid ka qeyb galka Shirka Culimada, ujeedkuna waa inaan hormuud u noqono la dagaallanka Fikirka Khawaarijta”, waxaa kale ee uu tilmaamay tilmaamay in khawaarijtu seddex qodob lagu cuuryaamin karo qeybna ka ah degaalka lagula jiro khawaarijta in fikira takfiirka lala degaalamo in qaab Ciidan iyo dhanka dhaqaalaha loola degaalamo intaas hadeysan culimada hormuud u noqoto lagama adkaan karo Kooxda Khawaarijta ah.

Sheekha Xaan jaamic ayaa ka dhawaajiyay in maalmaha saddexda cisho ee shirku socdo intiisa badan diirada lagu saari doono sidoo kalena la daraaseeyno asbaabaha keenay fikirkaan xag jirka ah ee qalddan, in laga doodo xalka ugu sahlan ee arrintaa laga gaari karo uu noqon kara culimada in ay ka doodo kadibna ay soo saraan bayaan sal u noqon karo howlgalka ay dowladdu ku jirto,lana waa fajiyo Shareecada islaamka.

Muhiimadda shirka waxaa kaloo ka hadlay Shiikh Cabdulqaadir Soomoow oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa isna yiri “Waxa aan maanta isugu imaanay waa inaan gudano waajib diini ah oo ah difaaca diinteenna suubban ee ay ku soo duuleen khawaarijta ka been sheegeysa, Sidoo kale waa in aan ogaanaa in Ciidamada Qaranka ee Jihaadka ku shahiiday waa dhinteen aan la dhihi karin ee waa in la dhahaa waa  Shuhado”, waxaa arrinkani horey uga sheegay Masjidka Shuhadada salaadii Jimcaha ee la soo dhaafay Sheekh Cali Wajiis wuxuuna yiri ‘’Saraakiisha maalinkasta shahiideysa maahan in loogu tacsiyadeeyo sida dadka caadiga meelaha ugu dhimanayo ee waa in loo hambalyeeyaa, Saraakiisha iyo Askarta ay disho Khawaarijtu waa Shuhado, waa in aan u hambalyeyno”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen isagoo dib u xusayay Culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, shalay oo kale sanadkii 1975-tii, kuwaasi oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Khawaarijta Al-shabaab ay xasuuqeen Culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoogeysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku diideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fikirka xagjirnimada ah.“Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab in ay u naxariisanayaan ha ku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa”.

” Khawaarijtu Macallin dugsi Qur’aan oo 92 sano jira ayay Gowraceen waxaana ay xireen dugsiyadii Qur’aanka, Culimada maanta xujaa ku oogan, waan kala aragti duwa nahay in ummadda loo kala qeybiyo sax maahan, In jaamacadaheena iyo iskuulladeenu guryaha ugu qurxoon ku yaalaan Dugsi Qur’aankeenuna Jidka ku dhex yaalo sax ma ahan, diinta dadkaa leh laakiin dowladdu diinta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye”, ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

Shirweynaha Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad ka socda Muqdisho ayaa maanta diiradda lagu saarayaa sharciyadda dagaalka lagula jiro Khawaariijta.

Shirka ayaa sidoo kale ku qotoma doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxauuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: fahamaka saxda ah ee Diinta Islaamka.
  2. Sharciyad-siinta Dawladda: xukunka Islaamka iyo Dowladnimada casriga ah.
  3. Dhisidda golaha sare ee Culimaau’diinka Soomaaliyeed: muhiimaddiisa iyo sharciyadiisa.

Dowladda iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa u midoobay sidii meesha looga saari lahaa in laga been abuurto Diinta Islaamka, tallaabadaas oo meesha ka saaraysa in cid kasta oo sheegata magac diimeed aan si fudud lagu aaminin.

Ugu dambeymtii shirkani Culumaa’diinka Soomaaliyed uga furmay Magaalada Muqdisho waxaa looga fadhiyaa inay ka soo baxaan qodobo cad cad ee lagu wajaho Kooxda Maleeshiyaadka aruursatay ee Khawaarijta ah oo aan u naxayn Shacabka Soomaaliyeed sharaftooda iyo cirdigooda, kana been sheegay Diinteenna suuban ee Xanifka ah, waxaa kaloo ay laayaan inta garaadka u saaxiibka ah oo ay ugu horreeyaan Culumaa’uddiinka, waxaana u rajeyneynaa shirkaasi inuu noqdo kii lagu najaxo, Soomaalidana u horseeda nolol leh ammaan iyo barwaaqo.

Diyaariye C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israa’iil oo Magaalada Nablus ku dilay 3 falastiiniyiin ah

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah, afar kalena waa ay dhaawaceen ,kadib weerar ay ka fuliyeen magaalada…

Caalamka
May 4, 2023

Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan kiis dil ah

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku…

GudahaWararka
May 26, 2025

Wasiirka Caafimaadka JFS oo ka qeybgalay Shirweynaha 78-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada JFS Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybgalay Shirweyne looga hadlaayey daaweynta cudurrada ku dhaca…

Gudaha
May 23, 2025

War-Saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay baaqyadii ugu danbeeyay ee ka soo baxay Midowga Africa iyo kuwa Caalamiga ah.

MUQDISHO (SONNA) -Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa soo jeedinta ku saabsan Ergey gaar ah oo ka socda Midowga…

GudahaWararka
April 24, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023