Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 25, 2023
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed oo ka furmay shalay magaaladda Muqdisho ayaa qodobadda looga hadlayo waxa ka mid ah sidii dagaal adag loola geli lahaa kooxda khawaariijta arxanka,madashan ayaa waxaa lagu casuumay Culumo Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso in ka badan 300 ah kuwaas oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo iyo dibaddiisa,shirkan ayaa waxaa lagu dhisi doono heya’adda sharci ah isla markaana rasmi ah oo ay leyihiin culimadda soomaaliyeed, maadaama ay qiimo weyn ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Dalka, waxaa kalo ka mid ah qoddobada Culimadu ay ka hadli doonaan ay ka mid tahay diinta, dowladnimada iyo xiriirka ka dhaxeeyo, iyo in la dhiso Gole sare oo ay Culimada ku mideeysan yihiin islamarkaana ah dastuuri, si loo helo dal Soomaaliyeed oo dowladdooda iyo Culimadooda ay mideysan yihiin, wanaa shir ay u dhan yihiin guud ahaan Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Culimmada ka qayb gelaysa shirweynahan oo siyaabo gaar gaar ah ula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay dalka iyo diinta sidoo kalena meel adag la iska taagi doono sidii dalka looga xorayn lahaa kooxda khawaariijta, Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah Culimada ka qeyb galayso Shirkaasi  ka furmay Muqdisho ayaa ka hadalay ahmiyadda shirka uu u leeyahay dalka, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid uu Madaxaweynaha JFS horay ugu baaqay in loo qabto Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, si looga hadlo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo wax ay shareecada islaamku ka qabto xukunka khawaarijta.

Qorane ayaa sidoo kale tilmaamay in ahmiyada weyn shirkan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna soo aday xili loo baahnaa, madaama dalku uu ku jiro dagaalka ka dhan khawaarijta muhiimna ay tahay in bayaan wad jir ah Culimada Soomaaliyeed ka soo saraan xukunka khawaarijta iyo sidii dowlada iyo Culimada la isugu xiri lahaa.

Waxaa kaloo ka hadlay muhiimadda shirka Sheekha Xasan jaamici oo isna ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shirka culimada ayaa dul istaagay inay muhiim tahay in Culimada Soomaliyeed caddeeyaan dhaqanka guracan ee ay ku dhaqmayaan kooxda khawaarijtu, in diinta islaamku aysan waxa sal ah ku lahayn Culimadana bayaan wadajir ah ay ka soo saaraan, iasgoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- ” Maraynkanka ayaa uga imid ka qeyb galka Shirka Culimada, ujeedkuna waa inaan hormuud u noqono la dagaallanka Fikirka Khawaarijta”, waxaa kale ee uu tilmaamay tilmaamay in khawaarijtu seddex qodob lagu cuuryaamin karo qeybna ka ah degaalka lagula jiro khawaarijta in fikira takfiirka lala degaalamo in qaab Ciidan iyo dhanka dhaqaalaha loola degaalamo intaas hadeysan culimada hormuud u noqoto lagama adkaan karo Kooxda Khawaarijta ah.

Sheekha Xaan jaamic ayaa ka dhawaajiyay in maalmaha saddexda cisho ee shirku socdo intiisa badan diirada lagu saari doono sidoo kalena la daraaseeyno asbaabaha keenay fikirkaan xag jirka ah ee qalddan, in laga doodo xalka ugu sahlan ee arrintaa laga gaari karo uu noqon kara culimada in ay ka doodo kadibna ay soo saraan bayaan sal u noqon karo howlgalka ay dowladdu ku jirto,lana waa fajiyo Shareecada islaamka.

Muhiimadda shirka waxaa kaloo ka hadlay Shiikh Cabdulqaadir Soomoow oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa isna yiri “Waxa aan maanta isugu imaanay waa inaan gudano waajib diini ah oo ah difaaca diinteenna suubban ee ay ku soo duuleen khawaarijta ka been sheegeysa, Sidoo kale waa in aan ogaanaa in Ciidamada Qaranka ee Jihaadka ku shahiiday waa dhinteen aan la dhihi karin ee waa in la dhahaa waa  Shuhado”, waxaa arrinkani horey uga sheegay Masjidka Shuhadada salaadii Jimcaha ee la soo dhaafay Sheekh Cali Wajiis wuxuuna yiri ‘’Saraakiisha maalinkasta shahiideysa maahan in loogu tacsiyadeeyo sida dadka caadiga meelaha ugu dhimanayo ee waa in loo hambalyeeyaa, Saraakiisha iyo Askarta ay disho Khawaarijtu waa Shuhado, waa in aan u hambalyeyno”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen isagoo dib u xusayay Culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, shalay oo kale sanadkii 1975-tii, kuwaasi oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Khawaarijta Al-shabaab ay xasuuqeen Culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoogeysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku diideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fikirka xagjirnimada ah.“Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab in ay u naxariisanayaan ha ku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa”.

” Khawaarijtu Macallin dugsi Qur’aan oo 92 sano jira ayay Gowraceen waxaana ay xireen dugsiyadii Qur’aanka, Culimada maanta xujaa ku oogan, waan kala aragti duwa nahay in ummadda loo kala qeybiyo sax maahan, In jaamacadaheena iyo iskuulladeenu guryaha ugu qurxoon ku yaalaan Dugsi Qur’aankeenuna Jidka ku dhex yaalo sax ma ahan, diinta dadkaa leh laakiin dowladdu diinta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye”, ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

Shirweynaha Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad ka socda Muqdisho ayaa maanta diiradda lagu saarayaa sharciyadda dagaalka lagula jiro Khawaariijta.

Shirka ayaa sidoo kale ku qotoma doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxauuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: fahamaka saxda ah ee Diinta Islaamka.
  2. Sharciyad-siinta Dawladda: xukunka Islaamka iyo Dowladnimada casriga ah.
  3. Dhisidda golaha sare ee Culimaau’diinka Soomaaliyeed: muhiimaddiisa iyo sharciyadiisa.

Dowladda iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa u midoobay sidii meesha looga saari lahaa in laga been abuurto Diinta Islaamka, tallaabadaas oo meesha ka saaraysa in cid kasta oo sheegata magac diimeed aan si fudud lagu aaminin.

Ugu dambeymtii shirkani Culumaa’diinka Soomaaliyed uga furmay Magaalada Muqdisho waxaa looga fadhiyaa inay ka soo baxaan qodobo cad cad ee lagu wajaho Kooxda Maleeshiyaadka aruursatay ee Khawaarijta ah oo aan u naxayn Shacabka Soomaaliyeed sharaftooda iyo cirdigooda, kana been sheegay Diinteenna suuban ee Xanifka ah, waxaa kaloo ay laayaan inta garaadka u saaxiibka ah oo ay ugu horreeyaan Culumaa’uddiinka, waxaana u rajeyneynaa shirkaasi inuu noqdo kii lagu najaxo, Soomaalidana u horseeda nolol leh ammaan iyo barwaaqo.

Diyaariye C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlamaanka Carabta oo fal arxan darro ah ku tilmaamay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Muqdisho

Qaahira-(SONNA)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan Al- Cusuumi ayaa cambaareeyay weerarkii  argagixisadu ka gaysteen magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay…

GudahaWararka
November 28, 2020

Bardaale oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho.SONNA...Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada…

Gudaha
March 17, 2024

Dowladdaha Soomaliya iyo Imaaratka oo kala saxiixday heshiis iskaashi militari

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo hawlo shaqo u jooga magaalada Abu dhabi ee dalka…

GudahaWararka
January 5, 2023

Heshiis dhex maray beelo ku dagaallamay Ceel-Berde

Xuddur-(SONNA)-Nabaddoonada gobolka Bakool ayaa si-weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xuddur kuwaas oo mudo 4 bilood ah howlo nadabeyn ah ka…

Wararka
October 23, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023