Dhuusamareeb-(SONNA)-Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Fedraalka ah iyo Dawlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeeray Ciidamada Difaaca Dadka deegaanka, kuwaas oo isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiintaan oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan {Joon}, xildhibaanno, Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.
Mas’uuliyiinta ayaa Ciidamada ujeediyay dhiirrigalin iyo dardaaran ku aaddan halganka looga soo horjeedo Khawaarijta.
Galmudug waxaa si xowli ah uga socda abaabulka bulshada oo qayb ka ah Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.