Muqdisho.(SONNA);- Wixii ka dambeeyay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaanno hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa isa soo tarayay howlgallo si wadajir ah ay u sameynayeen ciidamada xoogga dalka, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dil loo geystya askar ciidanka qaranka.
Ciidamada ayaa maanta degmada Ceelbaraf ka soo xiray qaar kamid ah Masuuliyiintii maamulka degmada oo uu ku jiro guddoomiyaha Ceelbaraf, odayaal dhaqameed iyo rag kale oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin dhacdada dilka ah ee loo geystay ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Saraakiisha ciidamada howlgalka sameeyay ayaa sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono cadaalladda si loo marsiiyo sharciga. Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in 48-saac gudahooda lagu soo afjarayo cannaasiirtii ficilkaas foosha xun geysatay, waxaanna digniin loo diray cid kasta oo isku dayda in ay qariso haqsiyaadkii ka dembeeyey dilkii loogu geystay deegaanka Ceelbaraf Askar ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka.
Sidoo kale, Maamulka Hirshabeelle ayaa shaqada ka joojiyay maamulkii Degmada Ceel baraf, halkaas oo ah goobta lagu dilay askarta ka tirsanaa Xoogga dalka .