Muqdisho(SONNA) Daraasad ay samaysay Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykan ayaa tilmaamaysa in Mareykanku uu sii wadayo adeegsiga sharciga mamnuucaya isu dhowaan-shaha bulshada isla markaana uu sii shaqayn doono ilaa inta laga gaarayo sanadka 2022, iyadoo ujeedaduna tahay xakameynta faafitaanka Viruska Corona oo si xoog leh u saameeyey dalka Maraykanka.
Sharciga kala fogaanshaha dadka ayaa laga maarmi doonaa haddii ay sii xoogaysatto awoodda Maraykanku u leeyahay kahor tagga Crona Virus ama la helo daawo ama tallaal looga ย hortagi karo cudurkaas.
Jaamacadda Harvard waxay tusaale usoo qaadatay tallaabooyinka ay qaateen dalalkaย South Korea iyo Singapore, iyagoo si adag u hirgeliyay kala fogaanshaha bulshada iyo in la xayiro dhamaan goobaha la isugu yimaado, waxayna Jaamacaddu tilmaantay in Maraykanku uu u baahan yahay inuu sii adkeeyo ku dhaqanka tallaabooyinkaas oo kale.
Daraasada Jaamacadda Harvad ee Maraykanka waxaa sidoo kale lagu tilmaamay in saamaynta Crona Virus uu u gaystay dalka Maraykanka iyo guud ahaan caalamka kale ay u badan tahay inay cawaaqib xumo dhaqaale oo caalamka wada gaarta ay ka dhalan karto, haddii aan si adag loola dagaalamin oo lasoo afjarin Crona Virus.
W/Q: Zakariye Khaliif Faarax