Muqdisho (SONNA) Sida lagu qoray Daily mail halyeygii hore ee Xulka kubadda cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tigre ee dalka Argentina kadib markii uu asiibay wadno xanuun.
Maradona oo ahaa 60 jir wuxuu ka mid ahaa xirfadyahanadii ugu sareeyay ee abid soo maray kubadda cagta, waxaana si gaara loogu xusuustaa koobkii dunida ee sanadkii 1986 uu gacanta u galiyay dalkiisa Argentina
Guulihii uu ka gaaray ciyaaraha kubadda cagta waxaa ka mid ah
Koobkii Adduunka oo u qaaday dalkiisa sanadkii 1986 ee lagu qabtya Mexico
Copa Amรฉrica oo uu ka galay kaalinta saddexaad 1989 laguna qabtay Brazil
Koobka Adduunka ee ka yar 20 jirada ee lagu qabtay Japan oo uu xulkiisa u qaaday sanadkii 1979-kii.
Xidiga ayaa u soo cayaaray Kooxaha Argentinos Juniors, Boca Juniors oo labaduba ka dhisan Argentina, Barcelona oo Spain ah, Napoli oo Talyaani ah, Sevilla oo sidoo kale Spain ah, Newellโs Old Boys iyo markale oo uu ku soo laabtay naadigii hore ee Boca Juniors.
Maradona ayaa lagu tiriyaa in uu ahaa xidigga mucjisada ee kubadda cagta adduunka.
Horaantii bishan ayaa lagu sameeyay qaliin dhanka maskaxda ah, waxaana dib loogu celiyay hoygiisa markii lagu guuleystay qaliinka.
Maradona wuxuu dhashay 30 October 1960, wuxuuna geeriyooday 24 November 2020.