Taiwan : Shil Tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo

La wadaag cid kale

Ugu yaraan 54qof ayaa la sheegay in ay dhinteen, tiro kale oo bandanna, waxaa soo gaaray dhaawacyo ka dib markii tareen uu ka baxay wadada aada bariga Taiwan subaxnimadii Jimcaha, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi.

Wasaaradda gaadiidka dalkaasi ayaa sheegtay in ka badan boqol euux oo rakaab ah oo ku dhaawacmay shilkaasi loola cararay isbitaal, halka la tilmaamay in ay jiraan dad badan oo weli ku xaniban halkaasi.

Tareenkaan oo ku sii jeeday Taitung waxaa la socday 350 qof, waxaana xilligii uu dhacy shilkaasi uu dhexmarayey kanaalka hoose ee Hualien, sida ay sheegtay Maamulka Tareenada ee Taiwan.

Maamulka Xarunta Hawlgallada Degdegga ah ee Dhexe ayaa sheegtay in ay isku dayayaan inay gaaraan  dadka ku xaiban gudaha kanaalka ama tuunelka

Shilkaan ka dhacay Taaywan ayaa la soo weriyay in uu yahay  kii ugu xumaa ee soo wajaha jasiiraddaasi.

 

 

La wadaag cid kale