Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS nudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hayโadda Sirdoonka Qaranka Suudaan, G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Korneyl Mufaddal ayaa Maxaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya soo gaarsiiyey dhambaal uu ka siday Guddoomiyaha Golaha kumeel gaarka ah ee dalka Suudaan, Cabdifitaax Al-Burhan, kaas oo ku saabsanaa dib u xaqiijinta sida ay Sudan uga goโan tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad.
