Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay xubnaha Aqalka Sare ee la doortay

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida ku qaabilay xubnaha cusub ee loo doortay Aqalka Sare een Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  kuwaas oo ah xubnihii ugu dambeeyay ee laga sugayay Jubbaland.

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xubnahan ku booriyay inay si wanaagsan oo danta dalka iyo dadka ku jirto ay u gutaan waajibaadka maanta loo doortay, isla markana sida ugu wanaagsan ay u matalaan Jubbaland.

La wadaag cid kale